Wadamada Turkiga Iiraan iyo Ruushka oo yeelanaya kulan looga hadlayo xaalada Suuriya

0
617

Wadamada Turkiga Iiraan iyo Ruushka oo yeelanaya kulan looga hadlayo xaalada Suuriya

Wadamada Turkiga Iiraan iyo ruushka ayaa todobaadka soo socda oo taariikhda ku beegan tahay 28 iyo 29-ka NOvember waxay kulan looga arainsanayo xaalada suuriya ku yeelan doonaan magaalada Astana ee caasimada Kazakhstan.

Shirkaan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb gali doona wafuud ka socota dowlada iyo Mucaaradka suuriya,sida uu u xaqiijiyay wasiirka arimaha dibeda Kazakhstan Kairat Abdrakhmanov.

Mr Kairat ayaa arintaan uga waramay wakaalada wararka Ruushka ee Tass isniinta maanta.

Dhanka kale waxaa uu sheegay in kulankaan lagu casuumay qaramada midoobay iyo wadanka Jordan ay korjoogto ka noqdaan.

Kulankaan kulankii ka horeeyay oo ahaa kii 11-aad ee looga hadlo xaalada suuriya ayaa waxaa uu ka dhacay wadanka ruushka waxaana ka qeyb galay xukuumadaha Tehran Ankara iyo Moscow oo marti loo ahaa.

Ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay kulankaan ayaa waxay ay tahay sidii loo sameyn lahaa jawi nabadeed si loo yareeyo colaada ka jirta suuriya.

Dagaalka sokeeye ee dalkaas ka qarxay sanadkii 2011-kii ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 360,000 oo u badan shacabka suuriya.

Maalinkii sabtida ayey aheyd markii dagaal socday laba todobaad kadib ay Milatariga suuriya ay dib ugu qabsadeen magaalada plateau ee koonfurta suuriya oo ay gacanta ku hayeen dagaal yahanada daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here