Taliyaha ciidanka booliska Kenya oo beeniyay in ciidanka xuduuda ay laaluush ka qaataan Al Shabaab

0
669

Taliyaha ciidanka booliska Kenya oo beeniyay in ciidanka xuduuda ay laaluush ka qaataan Al Shabaab

Taliyaha guud ee ciidamada booliska Kenya Joseph Boinnet ayaa beeniyay in saraakiisha booliska ee ku sugan xuduuda u dhaxeysa soomaaliya iyo kenya in lacago laaluush ah ay ka qaataan dagaal yahanada Al shabaab.

Hadalkaan ayaa waxaa uu yimid kadib markii warbixin ay soo saartay Qaramada midoobay lagu sheegay in bishii febraayo booliska kenya ay aqbaleen lacag laaluush ah in ay ka qaataan Al shabaab.

Heshiiskaan ayaa waxaa uu keenay in shan nin oo ah raga is dagaal yahan ay gudaha u galaan kenya kuwaasi oo damacsanaa in ay qaraxyo ka fuliyaan magaalada Nairobi.

Boinet ayaa intaa ku daray in xaqiiqda kaliya ee uu ogyahay ay tahay in booliska ay qabtaan howl adag si aay u difaacaan shacabkooda.

Bishii Febraayo ee sanadkaan ayey aheyd markii booliska kenya ay ku xireen degaanka Merti ee ismaamula Isiolo,laba nin oo qorsheynayay in ay weerar argagixiso ka geestaan Nairobi.

Magacyada ragaas ayaa waxaa lagu kala sheegay Cabdi Maajid Xasan aadan,Maxamed Nanne cismaan waxaana ay wateen gaari yar oo ay saarnaayeen walxaha qarxa,waxaana ay  hada ku xiran yihiin xabsiyada kenya.

La tuhmayaashaan ayaa marar badan kenya gudaha u soo galay iyaga oo aan la kulmin wax caqabad ah sida ay sheegtay qaramada midoobay,balse taliyaha ciidamada booliska Joseph Boinet ayaa xaqiijiyay in u sugan amniga xuduudaha Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here