Madaxweyne Gaas oo kala diray golihii deegaanka magaalada Gaalkacyo.

0
601

Madaxweyne Gaas oo kala diray golihii deegaanka magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Maamulka Puntland, Dr C/Wali Maxamed Cali (Gaas), ayaa kala diray golihii deegaanka degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, sidaas waxaa lagu sheegay qoraal uu soo saaray.

Madaxweyne Gaas ayaa tilaabadan qaaday sida lagu sheegay qoraalka uu soo saaray, markii uu la tashiyo la sameeyay Wasaaradda Arrimaha Gudahada, Dowladdaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyigaee Puntland.

Halkan Hosoe Ka Aqriso Qoraalka Madaxweyne Gaas:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xeer Madaxweyne Lr. 175, November 17 2018, ku kala diray Golaha Dagaanka Degmada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudahada, Dowladdaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.

Markay caddaatay: in ay hanan­waayeen shaqadii loo igmaday.

Wuxuu Xeeriyey.

1. Waxaa la kala diray Golaha Dagaanka Degmada Gaalkacyo.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here