Shabaab oo xayiraad saaray Baled Xaawo kadib markii xaasaskooda laga saaray Magaaladaasi

0
476

Shabaab oo xayiraad saaray Baled Xaawo kadib markii xaasaskooda laga saaray Magaaladaasi

Maamulka Degmada Baled Xaawo ayaa fuliyay awaamiir ay horay u soo saareen oo la xiriirtay in Magaaladaasi ay isaga baxaan Xaasaska Shabaab iyo carruurtooda ee Baled Xaawo amniga ku haysta.

Maamulka Degmada Baled Xaawo, ayaa la sheegay inuu fuliyay amarkaasi, kadib markii Maamulka uu iska diiday Odayaal ay soo direen Shabaab oo ku hanjabay inay go’doon galinayaan Magaalada Baled Xaawo, haddii xaasaskooda laga soo saaro Magaaladaasi.

Haweenay ku sugan Magaalada Baled Xaawo, ayaa sheegtay in Magaalada culeys laga daremaayo, kadib markii xaasaska Shabaab laga saaray Magaalada, iyadoo maamulka uu fulinaayo amarkii uu soo saaray.

Al Shabaab ayaa la sheegay inay go’doomiyeen Magaalada Baled Xaawo oo gaadiidka xamuulka ee Magaaladaasi galaya iyo kuwa ka soo baxaya labadaba amaro kala duwan ay dul dhigeen.

Dadka ku nool Magaalada Baled Xaawo, ayaa muujinaya walaac xooggan oo ku aadan xaaladan ku soo korodhay Magaaladaasi iyo go’doominta Shabaab ay go’doomiyeen Magaalada Baled Xaawo.

Xoogaga Shabaab ayaa magaalooyinka waaweyn ee ay gacanta ku hayaan Maamulada dalka ka jira iyo dowladda waxaa u jooga xaasaskooda iyo carruurta ay dhaleen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here