Seynis yahano sheegay in Guurka qasabka ah uu sabab u yahay kororka cudurka macaanka

0
1088

Seynis yahano sheegay in Guurka qasabka ah uu sabab u yahay kororka cudurka macaanka

Dalka Pakistaan oo ku yaal qaaarada aasiya ayaa shacabka ku dhaqan waxaa dhibaato ku haya cudurka macaanka oo ay la dhibtoonayaan.

Iyadoo shalay la xusay maalinta cudurka macaanka oo ku asteysan 14-ka bisha November ayaa dalka Pakistan waxaa sanad kasta u geeriyoota cudurkan 80,000 oo ruux.

Arintaan oo sanadihii la soo dhaafay sii kordheysay ayaa seynis yahanada dalkaas waxay ku macneeyeen in sababta ugu weyn ay tahay guurka qasabka.

Bulshada Pakistan ayaa qaarkood gabdhaha ku qasba nin ay iyagu dooneeyn ama ka weyn ,taasi oo dhaqaatiirta tilmaameen jahawareer ka dhasha ay keeni karto cudurka Macaanka.Guud ahaan caalamka ayaa dadka la nool cudurka macaanka ama la dhibtoonaya waxaa lagu qiyaasayaa in ay yihiin 422 million sida lagu sheegay xogo caaafimaad oo laga soo aruuriyay daafaha caalamka.Tiradaan ayaa waxay afar jibaar ku tahay wixii ka horeeyay sanadkii 1980-kii sida ay sheegtay hey’ada caafimaadka aduunka ee WHO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here