Askari ka tirsan booliska kenya oo dil u geestay Gabar ay haasaawe wadaag ahaayeen

0
680

Askari ka tirsan booliska kenya oo dil u geestay Gabar ay haasaawe wadaag ahaayeen

Booliska Kenya ayaa Bilaabay baaritaan ku aadan askari ku dilay xaafada Kibera ee ismaamulka Narok gabar ay haasaawe wadaag ahaayeen habeenkii xalay.

Labadadan ruux ayaa waxaa dhexmaray buuq taasi oo keentay in gabadha ay toori ku dhufato askariga,waxaana jawaab celinta ay noqotay in askariga uu isna gabadha ay haasaawaha ahaayeen uu xabad uga dhufto qeybaha hore ee Jirka.

Taliyaha ciidanka booliska galbeedka Trans-Mara Mr David Wambua,oo ka hadlay falkaan ayaa xaqiijiyay geerida Gabadhan.

Si kastaba ha ahaatee askariga ku dhaawacmay falkaan ayaa waxaa la dhigay isbitaalka qeybta shanaad ee Kisii ee dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here