Al-Shabaab oo baahiyay magacyada qaar ka mid ah raggii weeraray Hotel Saxafi (47 jir ka mid ahaa)

0
873

Al-Shabaab oo baahiyay magacyada qaar ka mid ah raggii weeraray Hotel Saxafi (47 jir ka mid ahaa)

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa baahiyay magacyada qaar ka mid ah raggii weeraray jimcihii la soo dhaafay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, kaasoo dad badan ay ku dhinteen.

Al-Shabaab ayaa horay u baahiyay Axmed Aadan Mursal oo ku magac dheeraa (Axmed Guduud ) inuu ka mid ahaa kooxdii weerartay Hotel Saxafi, waxaana warbaahinta Al-Shabaab ku hadasha afkeeda ee Andalus laga sii daayay wareysi dardaaran laga duubay, ka hor inta uusan fulin weerarka.

Ninka labaad ee weerarka ka qeyb qaatay ayaa waxaa lagu magacaabaa Mukhtaar Maxamed Ibraahim Qeys oo loo yaqaano Saalax Salagle, waa ninka ugu da’da weynaa kooxdii weerartay Hotelka Saxafi.

Saalax Salagle ayaa sanadkii 1969 ku dhashay deegaanka Salagle ee Gobolka Jubbada Dhexe, waxaa uu ahaa 47 sano jir, sanadkii 2011 ayuu ku biiray Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa inta badan soo bandhigta magacyada iyo qabiilada ay ka soo jeedaan kooxaha weerarada is qarxinta iyo kuwa tooska fuliya.

Weerarkii jimcihii la soo dhaafay lagu qaaday Hotelka Saxafi ayaa waxaa ku dhintay illaa 52 ruux, waxaa uu ahaa weerar qaraxyo is xiga ku bilowday, waana weerarkii labaad oo Al-Shabaab ku qaado Hotelka Saxafi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here