Mareykanka oo laga yaabo in uu cuna qabateyn ku soo rogo Dowlada sacuudiga

0
570

Mareykanka oo laga yaabo in uu cuna qabateyn ku soo rogo Dowlada sacuudiga

Golaha sare ee Sanete-ka Mareykanka ayaa isbuucyo gudahood u codeyn doona in sacuudiga lagu ciqaabo dilkii wariye Jamal Khashoggi loogu geestay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga 2-bishii hore.

Mudanaha ka tirsan aqalka Sanete-ka ee xisbiga Jamhuuriga,Bob Corker,ahna gudoomiyaha gudiga Sanete-ka u qaabilsan xiriirka caaalamiga,ayaa sheegay in ay u codeyn doonaan arintaan ka hor dhamaadka sanadka.

Mr Corker ayaa intaa ku daray in ay codsan doonan in dowlada Mareykanka ay jarto dhamaan taageerada milatari oo ay siiso dowlada Sacuudiga oo dagaal kala jirta xuutiyiinta Yemen.

Dhanka kale waxaa uu sheegay in ay suura gal tahay in la gooyo heshiisyada hubka uu mareykanka la galay xukuumada Riyaad.

Xoghayaha Arimaha dibeda Mareykanka Mike Pompeo, dhigiisa difaaca James Mattis, iyo agaasimaha laanta sirdoonka Mr Gina Haspel ayaa dabaayqada bishan November waxay ka hadli doonaan dagaalada ka socda Yemen iyo meesha ay ka taagan yihiin dilka Jamal,sida uu xaqiijiyay Corker.

Ugu danbeyn waxaa uu hadalkiisa ku soo koobay in ay muhiim tahay in Mareykanka uu tuso sacuudiga sida ay uga soo horjeedaan dilka gardarada ah ee lii geestay Wariye Jamal Khashoggi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here