Wasiirka Amniga oo amaro adag ku soo rogay Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska Muqdisho

0
572

Wasiirka Amniga oo amaro adag ku soo rogay Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska Muqdisho

Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa amaro adag ku soo rogay Taliyeyaasha Saldhigyada Muqdisho, kaddib kormeer uu ku sameeyay.

Wasiirka ayaa sheegay Taliyeyaasha Saldhigyada looga baahan yahay in shaqooyinka loo diray si hufan uga soo dhalaalaan, si looga hortago amni darada ka dhaca magaalada.

Sidoo kale waxaa uu ku amray Talisyada Booliska inay adkeeyaan ammaanka degmooyinka ay u xilsaaran yihiin sugida amniga, isla markaana lagula xisaabtami doono cidii ka gaabisa.

Waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in shacabka iyo Ciidamada ammaanka inay wada shaqeyn yeeshaan, si la isaga kaashado ka hortagida falalka amni daro ee ay maleegayaan kooxaha nabad diidka.

Inta badan Wasiirka Amniga ayaa culeys soo saara Laamaha amniga, marka qaraxyada dhacaan, waxaa la ogeyn cida isaga la xisaabtanta, maadaama xarunta Wasaaraddiisa ka mid aheyd goobihii la weeraray bishii July ee sanadkan oo xitaa xafiiskiisa la isku qarxiyay.

Talisyada Booliska degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa is bedel lagu sameeyay, sidoo kale waxaa la bedelay illaa afar Talis qeybeed oo loo magacaabay Taliyeyaal dhalinyaro ah.

Qaraxyadii maalintii jimcaha ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa muujiyay dayacaad amni, waxaana su’aal la iska weydiinayaa sababta qaraxyo saddex baabuur ah iyo dableydii hubeysneyd ugu suura gashay inay ka soo gudbaan bar koontaroolada faraha badan ee magaalada gudaheeda, isla markaana weeraraan halka bartilmaameedka u ahaa ee Hotel Saxafi.

Xafiiska uu ku shaqeynayay Wasiirka Amniga Maxamed Abukar Islow oo burbur ka soo gaaray qaraxyadii bishii July

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here