Cilmi baaris la sameeyay oo lagu ogaaday in daawada Colgete ay ku jirto maado keenta xanuunka Cancer-ka

0
1129

Cilmi baaris la sameeyay oo lagu ogaaday in daawada Colgete ay ku jirto maado keenta xanuunka Cancer-ka

Daaawada ilkaha ee lagu cadaydo ee loo yaqaan Colgate ayaa baaritaano la sameeyay waxaa lagu ogaaday in ay leedahay saameyn caafimaad.

Maado Chemical ah oo ku Jirta boomaatada Colgate oo lagu magacaabo Triclosa ayaa xeel dheerayaal caafimaad oo u kuur galay waxay sheegeen in ay keento xanuuno kala duwan oo sababi kara in Cudurka Cancer-ka uu ka Dhasho.

Cilmi baarayaasha ayaa dhanka kale tilmaamay in daraasadan aysan aheyn midii ugu horeysay oo lagu ogaado saameynta caafimaad oo ay leedahay kiimikada Triclosan in ay kor u qaado cudurka Canser-ka,ama ay kordhiso in ay unugyada jirka qaadaan.

Arintaan ayaa waxaa lagu daabacay wargeys ka faalooda kiimikada ee lagu magacaabo Toxicology journal.

Dadka ugu nuqul ayaa ah kuwa sida joogtada ah u isticmaala boomaatada lagu nadiifiyo afka ee loo yaqaan Colgete in ay u keeni karto halis caafimaad ku timaada qeybaha kale ee Jirka.

Maadada sunta ah ee Triclosan ayaa awood u leh in ay saameyn ku yeelato unugyada Jirka bani aadamka iyo wax soo saarkaa hormone-da.

Daraasaad ceynkani oo kale oo la sameeyay sanadkii 2008-dii oo lagu daabacay wargeyska Environmental Health ayaa lagu qeexay saameyn la mid baaritaankan oo la sameeyay bishan.Arintaan ayaa waxaa lagu ogaaday wareysiyo iyo baaritaano lagu sameeyay 2517 oo da’dooda u dhaxeyso 6 sano iyo wixii ka sareeya,taasi oo la micno ah 75 boqolkiiba in ay tahay ra’yi aruuntan.

Soomaali badan oo ku nool gudaha iyo dibeda ayaa la aaminsan yahay in ay si weyn daawadan ay u isticmaalaan,iyadoo dhanka kale qaab ganacsi ah loo keeno gobolada dalka.

 

Xigasho: Universal Somali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here