Ciidamada Booliska Kenya oo deegaan hoostagga Mandhera ku toogtay haweenay Somali ah

0
600

Ciidamada Booliska Kenya oo deegaan hoostagga Mandhera ku toogtay haweenay Somali ah

Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Mandera ,Ciidanka Booliska dalka Kenya ayaa toogtay Haweenay Soomaali.

Dilka ayaa ka dhacay degaanka Rhamo, oo ah degaan hoostagga Magaalada Mandheera, waxaana la sheegay in Ciidanka ay haweenayda toogteen xilli ay kasoo baxday gurigeeda oo ku yaalla halkaasi.

Haweenayda la dilay ayaa lagu magacaabi jiray  Cabdiya Cumar, waxaana ay ka mid aheyd dadka degaanka.

Sarkaal ka tirsan Booliska Kenya aya sheegay in Ciidanka oo ku jira howlgal Roondo ah ay kasoo hor baxday Haweenayda , islamarkaana ay Cabdiya weydiisteen in ay istaagto kana dhega furaysatay sidaasna mid ka mid ah Askarta uu rasaas ugu furay.

Qaar ka mid ah Bulshadda degaanka ayaa ka carooday dilka Haweenayda Soomaaliyeed, waxaana ay sameeyeen Banaabax, waxaana xusid mudan in maamulka Mandera ay ku dhawaaqeen in ay sameenayaan Guddi xaqiiqo raadin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here