Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Xisbiga KULMIYE Gacanta Midig-na U Ah Madaxweyne Biixi Oo Caddeeyey In Aamina Weris Dalka Xukumaysay Cahdigii Siilaanyo

0
885

Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Xisbiga KULMIYE Gacanta Midig-na U Ah Madaxweyne Biixi Oo Caddeeyey In Aamina Weris Dalka Xukumaysay Cahdigii Siilaanyo

Xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Mustafe Maxamed Yoonis ayaa caddeeyey in marwadii madaxweyne Siilaanyo ay door ku lahayd tallada dalka.

Xoghaye Mustafe Maxamed Yoonis oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu eedaymo ugu jeediyey xoghayaha arrimaha gudaha xisbiga UCID Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa sheegay in marwadii hore ay ku haysay xilalkii badnaa ee uu ka soo qabtay gobolada kala duwan ee dalka.

Xoghaye Mustafe oo ka hadlaya sidii xisbiga Kulmiye loogu hayey Ramaax ayaa waxa uu yidhi “Markii Kulmiye guulaystay doorashadii 2010 , gudoomiye Saleebaan ayaa Ramaax gacanta qabtay oo siilaanyo u geeyey oo ku yidhi ka dhig badhasaab, sidaas ayaanu ku soo galay nidaamka xisbiga kulmiye iyo dawladiisa.”

Xoghaye Mustafe Maxamed Yoonis ayaa intaas raaciyey “Markii dambe waxa uu helay cid ilaalisa mar kasta oo uu wax gaysto oo marwo Aamina Weris oo ay ilmaabti ahaayeen ayaa in badan taageertay.” Ayuu yidhi

Halkan hoose ka DAAWO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here