Qaramada Midoobay Oo Si Kulul U Cambaareysay Qaraxyadii Ka Dhacay Muqdisho

0
592

Qaramada Midoobay Oo Si Kulul U Cambaareysay Qaraxyadii Ka Dhacay Muqdisho

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Farxaan Haq ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin qaraxyadii shalay gelinkii dambe ka dhacay Muqdisho,kuwaas oo lagu weeraray Hotelka Saxafi ee Magalada Muqdisho.

Qaraxyadaay ayaa ahaa kuwo gaari loo adeegaday,waxaana ku geeriyooday in ka badan 20 Ruux oo Shacab u badnaa,kuwaas oo ku sugnaa agagaarka Hotelka Saxafi xilliga la weerarayay.

Afhayeen Farxaan ayaa sheegay in Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu tacsi u diray Shacabkii Soomaaliyeed eee ku geeriyooday qaraxyadaas,waxana uu sheegay in ay sii wadi doonaan la Shaqeynta dowladda Soomaaliya ee dagaalka lagula jiro waxa loogu yeero Argagaxisada.

Si kastaba qaraxyadii shalay lagu weeraray Hotelka Saxafi ee Magalada Muqdisho ayaa dadkii ku dhintay intooda badan waxa ay ahaayeen Shacab,waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ay ka mid yihiin Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Hodan iyo Agaasimihii hore ee wasaaradda Warfaafinta Cabdirisaaq Bahlaawi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here