Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo xilka ka qaaday Xeer illaaliyaha guud Jeff Sessions 

0
647

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo xilka ka qaaday Xeer illaaliyaha guud Jeff Sessions

Xeer illaaliyaha guud ee Maraykanka Jeff Sessions ayaa xalay xilka iska casilay kadib markii uu sidaa uu ka codsaday Madaxweynihii horey usoo magacaabay ee Donald Trump.

Donald Trump ayaa bilihii lasoo dhaafay marar badan cambaareeyey xeer illaaliyihiisa oo uu sheegay inuusan qaban hawshii loo igmaday.

Jeff Sessions oo ahaa Senator ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa ahaa Xildhibaankii ugu horeeyey oo taageeray Trump xiligii uu ku jiray ololihiisa doorashada, wuxuuna Trump markuu xilka qabtay u magacaabay Xeer illaaliyaha guud si uu uga hortago baaritaanka lagu wado xiriirka ka dhaxeeya Donald Trump iyo Ruushka.

Balse Sessions ayaa sheegay inuusan faro-gashan doonin baaritaanka horey u socday ee la xariira Trump iyo Ruushka, arrintaasi oo uu si weyn uga carooday Donald Trump.

Casilaada Sessions ayuu Trump kusoo beegay wax ka yar 24saac kadib markii ay dhacday doorashadii Golayaasha Baarlamaanka Maraykanka oo ay xisbiga Dimuquraadiga guul ka gaareen Aqalka Hoose ama Golaha Wakiilada oo ay Aqlabiyada la wareegeen, golahaasi oo awood ulleh inuu sii xoojiyo baaritaanadii horey ugu socday Trump.

Trump halkaas kuma ekaan wuxuu isla markiiba magacaabay Xeer Illaaliyaha guud oo KMG ah, isagoo dhinac maray Kuxigeenkii Jeff Sessions ee mas’uulka ka ahaa baaritaanada socda Rod Rosenstein oo sharciyan ahayd inuu xilka sii hayo.

Wuxuu Trump u magacaabay Xeer illaaliyaha KMG ah Matthew G Whitaker oo xoghayn u ahaa Sessions ninkaasi oo xubin ka ahaan jiray Xisbiga Jamhuuriga ayaa kamid ah taageerayaasha Trump ee sida weyn uga soo horjeeday baaritaanka lagu wado Madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here