Wararkii ugu dambeeyay Baydhabo: Doorashada Madaxweyne Koofur Galbeed oo qarka u saaran inay dib u dhacdo

0
653

Wararkii ugu dambeeyay Baydhabo: Doorashada Madaxweyne Koofur Galbeed oo qarka u saaran inay dib u dhacdo

Jahwareer badan ayaa ka taagan qabsoomida doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ee ku qorsheysneyd inay dhacdo 17-ka bishan November, kaddib markii inta badan xubnihii Guddiga qaban qaabada doorashada ay is wada casileen, iyagoo u sababeynaya faragelin lagu haayo doorashada.

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in kulamo kala duwan ay ka socdeen tan iyo saaka, kaasoo looga arrinsanayay xaalada siyaasadeed ee ay gashay Koofur Galbeed.

Kulamada ugu badan ayaa ka dhacayay Xarunta Madaxtooyada Baydhabo, waxaana kulamada ay u socdeen Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan, Guddoomiyaha Baarlamaanka C/qaadir Shariif Sheekhuna, Wasiiro ka tirsan Koofur Galbeed iyo Odayaasha dhaqanka.

Ilo wareedyo ku sugan baydhabo ayaa sheegaya inay qarka u saaran tahay in doorashada Madaxweynaha dib u dhacdo, maadaama xubnaha Guddiga ay is casileen, in mar kale Guddi la soo magacaabo ay waqti qaadaneyso, iyadoo doorashada waqtigeeda ay ka harsan tahay 11 maalmood.

Guddoomiyaha Baarlamaanka C/qaadir Shariif Sheekhuna ayaa laga sugayaa go’aan inuu ka soo saaro arrinta doorashada haddii dib loo dhigayo iyo haddii waqtigeeda ku dhaceyso, waxaana qudhiisa uu wajahayaa cadaadisyo kala duwan oo ay ugu weyn tahay in Xildhibaanadii Koofur Galbeed ay badankood Muqdisho ku sugan yihiin.

Warar aan la xaqiijin oo laga helayo Baydhaboy ayaa sheegaya in C/qaadir Shariif Sheekhuna lagu cadaadinayay inuu iska casilo xilkiisa, si doorashada Madaxweynaha dib ugu dhacdo, balse lama oga sida xaal noqon doono.

Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu ciyaarayo shax siyaasadeed aan la fahmi karin, waxaana uu ahaa maskaxda ka dambeysay in is casilaada xubnaha Guddiga Doorashada Koofur Galbeed, maadaama uu cadaadis xooggan kala kulmayo dowladda Federaalka oo saameyn weyn ku leh doorashada, iyadoo taageereyso Musharaxiin qaar oo loolan uu kala kulmayo Madaxweyne Shariif Xasan.

Xaalada Siyaasadeed ayaa ah mid cakiran, dadka reer Baydhabo ayaa ka cabsi qaba in mowjadaha ay gashay Koofur Galbeed inay isku bedesho dagaal gacan ka hadal ah, iyadoo magaalada ay ku sugan yihiin Musharaxiin badan oo heysta ilaalo hubeysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here