Hogaamiyaha mucaaradka Baxreyn oo xabsi daa’in lagu xukumay

0
551

Hogaamiyaha mucaaradka Baxreyn oo xabsi daa’in lagu xukumay

Hogaamiyaha mucaaradka dalka Baxreyn, Sheikh Cali Salman, ayaa xabsi daa’in lagu xukumay ka dib markii maxkamadda racfaanka dalkaasi ay ku heshay dambi ah in uu basaas u ahaa dowladda Qadar.

Xukunkan ayaa ku soo beegmay bilooyiin uun ka dib markii maxkamadda sare ee dalkaasi ay ku waysay wax dambi ah .

Maxkamada sare ayaa horey ugu waysay dacwadii lagu soo oogay oo ahayd “in uu la shaqaynayay” dal cadow ku ah Baxreyn.

Xukuumadda Baxreyn ayaa xariirka u jartay dowladda Qadar 2017.

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty ayaa go’aankan ku tilmaamtay “cadaalad laga been sheegay ” iyada oo ay xukuumadda Baxreyn ay sii wado “howlgalka ka dhanka ah dadka ka soo horjeeda.

“Go’aankan waxa uu ka turjumayaa dadaalka joogtada ee sharci darada ee ay Baxreyn ugu jirto sidii ay u aamusiin lahayd dadka ka soo horjeeda ,” waxaa sidaasi sheegtay agaasimaha Amnesty ee bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika Heba Morayef.

“Sheikh Cali Salman waa maxbuus la xiray isaga oo si nabad ah u gudanaya xaqiisa xorriyatul qowlka”.ayay intaa ku dartay.

Cali Salman, oo ah hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa imika la mamnuucay ee Al-Wefaq , aya lagu eedeeyay in isaga oo kaashana Qadar uu maleegayay qalalaaso ka dhan ah Qadar 2011.

Waxaa sidoo kale eedeeyn loo soo jeediyay hogaamiyayaasha kala ah Xassan Sultan iyo Cali al-Aswad.

Eedeyntan ayaa soo baxday ka dib markii dalalka Baxreyn,Sacuudiga,Imaaraadka iyo Masar ay xiriirka u jareen Qadar bishii June 2017.

Waxa ay dalalkan Qadar ku eedeeyeen in ay kooxaha argagixisada taageerto ayna xiriir dhaw la leedahay Iiraan.

Qadar ayaa beenisay eedeeynta ay dowladahan u soo jeediyeen.

Madaxda dhaqdhaqaaqa Wefaq ayaa eedeeynta loo soo jeediyay hogamiyahooda Sheikh Cali Salman ku tilmaamay in ay tahay isku day ay xukuumadda Baxreyn ku doonayso in ay xabsiga ugu sii haayso.

Dalka Baxreyn ayaa waxaa talada haya Suniyiinta waxaana 6 sano ka hora ka dhacay dibadbaxyo ay dhigeen dadka Shiicada ah oo doonayay isbadal dimuqraadiyadeed taasi oo ay si wayn uga hortageen ciidamada ammaanka.

Qoyska boqortooyada Al Khalifa ayaa cadaadis ba’an saaray dibadbaxayaasha iyaga oo gacan ka helaya dowladaha dariska gaar ahaan Sacuudiga.

Cali Salman ayaa wali waxaa u furan racfaan uu ka qaadan kara go’aanka maxkamada racfaanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here