Daraasad… Mobillada oo Noo Horseedi Kara Khatarta Cudurkan Dilaaga Ah

0
919

Daraasad… Mobillada oo Noo Horseedi Kara Khatarta Cudurkan Dilaaga Ah

Daraasad ay sameeyeen mac’hadyada waddaniga ah ee ugu caansan dalka Mareykanka ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaanno “NIH”, ayaa ka digtay iney jiraan caddeymo muujinaya in shucaaca mobile-ka ay suuraggal tahay iney dadku ka qaadaan kansarka Wadnaha, maskaxda iyo kan Adrenal galand ka aadanaha ku dhaca.

Warbixinta kama dambeysta ah ee natiijada hordhaca ah la soo saaray sanadkii 2016, ayay khubaradu kaga digeen tilmaamaha xilliga hore  ee ah in shucaaca mobile-ka laga qaado kansar.

In kasta oo ay jirto in tijaabada lagu sameeyay jiir, ayaa hadana aadanahu ay la kulmaan maalin walba shucaac ka badan kan jiirka lagu tijaabiyay, xiriirka ka dhaxeeya taleefoonka gacanta iyo kansarka, gaar ahaan jiirka labka ah, mid la inkiri karo maaha.

Markii tijaabadan lagu fiiray dhanka jiirka dhadigga ah, waxaa caddaatay in xoogaa mugdiga ah uu ku jiro natiijadii laga gaaray, dhanka la xiriirinta shucaaca iyo kansarka. iyadoo arrintaasi ay jirto, ayaa hadana ay khubaradu ka digayaan in cilmi-baarisyada cusubi ay tilmaamayaan iney ragga gaar ahaan ay tallaabooyinka ka hortag ah ka qaataan si ay uga gaashaantaan in goobaha xasaasiga ah uu ku dhaco shucaaca mobileka ka soo baxa.

Khubarada daraasaddan sameysay waxaa hoggaaminayay Dr. John Butcher oo ka tirsan barnaamijka waddaniga ah ee ka hortagga sumowga ee marka la soo gaabiyo loo yaqaanno (NTP) ee gobolka North Carolina ee dalka Mareykanka, ayaa waxa uu yiri: “Suuraggal maaha in la isla barbardhigo shucaaca ay khubaradu u adeegsadeen tijaabadooda iyo kan ay maalin walba la kulmaan dadka mobile-ka adeegsada.”.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Daraasaddeenan, jiirka lagu tijaabiyay shucaac radio-ga ee (RFR) oo jirkooda oo dhan haleelay. si taa ka duwan dadka intooda badani shucaaca ayaa jirkooda haleela goobo geenni oo u dhaw halka ay mobile-ka ka isticmaalayaan.”

Natiijooyinkan ayaa la soo saaray, kadib markii daraasaddan la waday muddo 10-sano ah, lacag gaaraysa 30-milyan oo dolarna ay ku baxday, si loo soo bandhigo saameynta caafimaad ee ay ku yeelaneyso xawaan loo bandhigay shucaaca mowjadaha (RFR).

Warbixinnatan kama dambeysta ah ee ay isku raaceen NTP, iyo guddi khubaro ah oo macalliin kale oo dhanka dibadda laga daray, kuwaas oo dib u eegis ku sameeyay, natiijda daraasaddan Marso-dii hore, kadib markii warbixinnada loo gudbiyay Febraayadii hore.

Dr. Butcher, waxa uu yiri: “Taleefannada aan isticmaalno waxaa loo adeegsadaa nooc ka mid ah mowjadaha radio-ga ama shucaaca Wireless-ka ah ee (RFR) oo loogu talogalay si qalabka iyo shabakadda la isku qabadsiiyo. dadku markaa waxey jirkooda ku dhaca shucaaca (RFR) oo dhanka taleefoonka ay wataan iyo qalabka wireless-ka ah uga soo gudba ”

Daraasaddan oo dhawaan la fafiyay, ayaa waxey xoogga saartay teknoloojiyada jiilka 2aad ee 2G, 3G, hadda, adeeggu waxa uu gaaray teknoloojiyada 4G, halka sidoo kale, dhawaan la filayo iney suuqa soo gaarto teknooliyadda jiilka shanaad ee 5G.

Inkasta oo ay jirto in mobile-da casriga ah ay u diyaarsan yihiin in lagu xiriiro, ayaa cilmi-baarayaashu ay sheegayaan in natiijada daraasaddan cusub ay tooshka ku iftiimineyso waxa ay  teknoloojiyadda cusubi jirkeenna ku sameynayso.

Dr. Cutcher iyo kooxdiisa iyo  khubaro kale oo dibadda ka ahaa daraasaddan, ayaa waxey isku raacsan yihiin in warbixintani ay caddeyn xooggan u tahay xiriirka ka dhaxeeya shucaaca jirkeennu ku dhaca iyo kansarka, waxey ku tijaabiyeen jiirka, xaqiiqo ahaan, sida tijaabooyin  shaybaarka badan kooda la sameeyo.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here