Maxaa ka soo kordhay arrimihii Baaritaanka dilkii Jamal Khashoggi?

0
583

Maxaa ka soo kordhay arrimihii Baaritaanka dilkii Jamal Khashoggi?

Sacudi Carabiya ayaa oggolaatay in lagu dhex diley Jamal Khashoggi oo ahaa saxafi wax ku qora wargeyska The Washingotn Post gudaha qunsuliyadeeda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Inkastoo ay qiratay Boqortooyada Sacudi Carabiya in lagu dhex diley qunsuliyadeeda balse illaa iyo hadda lama hayo meydka saxafiga Jamal Khashoggi.

Wararkii  ugu dambeeyay ee Jamal Khashoggi

Baaritaan Caalami ah oo lagu baaqay in lagu sameeyo dilka Khashoggi

Madaxa Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha Michelle Bachelet ayaa ku baaqday in quburo heer caalami ah ay ka qeybqaataan baaritaan madax banaan oo lagu sameeyo dilkii Khashoggi.

“Baaritaan lagu sameeyo si madax banaan oo wax siyaasad ah ku lug lahayn ayna ka qeybgalaan qubaro caalami ah oo awood u leh inay helaan cadeymo iyo marqaatiyo ayaa ah mid wanaagsan.”ayay ku sheegtay qoraal  ay soo saartay Bachelet.

Bachelet ayaa sidoo kale waxa ay ku baaqday in Sacudi Carabiya ay daaha ka qaado halka uu ku dambeeyay meydka Khashoggi iyadoo intaasi raacisay in baaritaano lagu sameeyo meydka ay tahay mid muhiim u ah baaritaanada socda taasoo weliba fal dambi ah lagu dhex sameeyay qunsuliyada Sacudiga uu ku leeyahay Istanbul.

Erdogan; Ma aha in la daboolo dambiilaha ka dambeeyay dilka Khashoggi

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ugu baaqay xeer ilaaliyaha Boqortooyada Sacudi Carabiya in uu daaha ka rogo qofkii amray dilka Khashoggi oo uusan ka leexleexan baaritaanka uu hayo.

“Yaa soo direy 15ka ruux? Maadaama aad tahay xeer ilaaliyaha Sacudi Carabiya waa inaad weydiisaa su’aashaan. Markaa waad soo bandhigi kartaa.”ayuu Erdogan yiri isagoo tilmaamaya kooxdii ka koobneyd 15ka ruux ee lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilka Khashoggi.

“Hadda, waan inaan xallinaa kiiskan, looma baahna in laga leexleexdo,macno ma yeelanayso in la isku dayo in la ilaaliyo dad gaar ah.”ayuu saxafiyiinta ugu sheegay Recep magaalada Ankara.

Sidoo kale Erdogan ayaa sheegay in xeer ilaaliyaha Turkiga uu u sheegay dhiggiisa Sacudi Carabiya in 18ka ruux ee la tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen kiiskan in lagu maxkamadeeyo dalka Turkiga. Sidoo kalana loogaga baahan yahay madaxda Sacudiga in ay cadeeyaan dadkii kale ee gacanta ka geystey khaarijinta Khashoggi.

Dacwad Oogaha Sacudiga oo booqday Qunsuliyada Istanbul

Dacwad oogaha Sacudi Carabiya ayaa maanta oo Talaado ah booqday qunsuliyada Sacudiga ee  Istanbul halkaa oo ah meeshii ugu war dambeysay Khashoggi.

Sheikh Saud al-Mojeb ayaa booqashadiisa timid  kadib markii uu marlabaad la kulmay Dacwad Oogaha Istanbul Irfan Fidan.

Turkiga oo lagu wareejiyay marag furkii 18ka ruux  ee lagu tuhunsan yahay dilka Khashoggi

Dacwad  oogaha Boqortoyada Sacudi Carabiya  ayaa ku wareejiyay mas’uuliyiin ka socota dowlada Turkiga, waxyaabihii ay sheegeen 18ka ruux ee lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilka Khashoggi, sida ay Aljazeera ka soo xigatay ilo ku dhow dhow xafiiska dambi oogaha  Turkiga

Arrintan ayaa la sheegay inay timid kadib markii ay ku qanci waayeen xafiiska xeer ilaaliyaha  Istanbul kulan uu la yeeshay xeer ilaaliyaha boqortooyada Sacudi Carabiya ayna ka wadahadleen dilka Khashoggi.

Xigasho;Aljazeera. Waxaa Tarjumay Mohamed  A.Caseyr

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here