Wiil Arday ah oo xalay lagu dilay magaalada Garowe

0
740

Wiil Arday ah oo xalay lagu dilay magaalada Garowe

Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya in rag ku labisan dharka ciidamada ay ku dileen Wiil arday ah oo dhigta mid ka mid ah jaamacadaha ku yaalla magaaladaas.

Wiilka ardayga ahaa ee la dilay ayaa lagu magacaabayay Yaxye C/risaaq, waxaana xilliga la dilayay laga dhacayay Mobile uu sitay.

Ciidamada Amniga Garowe ayaa gacanta ku dhigay labo ka mid ah raggii dilka geystay oo la ogaaday inay ka tirsanaayeen Ciidamada Booliska.

Dhacdadan ayaa imaaneysa, iyadoo muddooyinkii u dambeeyay dadka reer Garowe ka cabanayeen falal dhac ah oo habeenkii kooxo hubeysan ka geystaan xaafadaha magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here