Maraykanka oo kumannaan ciidammadiisa kamid ah ku daabulaya xuduudda Mexico

0
563

Maraykanka oo kumannaan ciidammadiisa kamid ah ku daabulaya xuduudda Mexico

Ciidamadan shanta kun ka badan ayaa ku biiraya 2,100 askari oo ka tirsan ilaalada qaranka oo hadda ku sugan soohdinta, kuwaasoo halkaa la geeyay ka dib markii uu amar ku bixiyay madaxweyne Trump bishii April.

Labada xisbi ee ugu weyn Maraykanka ayaa lagu eedeeyay inay ujeedooyin siyaasadeed ka leeyihiin arinta muhaajiriinta oo ay doonayaan inay kaga faa’iideystaay doorashooyinka todobaadka dambe dhacaya ee ay ugu tartamayaan aqlabiyadda Congress-ka.

Muhaajiriintan ka soo hayaamay dalalka ku yaal bartamaha Amerika ayaa qiyaastii 1,600km u jira soohdinta uu Maraykanka la leeyahay Mexico.

Taliyaha ciidamada ilaalada xuduudaha ee Maraykanka, Kevin McAleenan ayaa sheegay inay culays badan kala kulmayaan arinta muhaajiriinta, isla markaana ay xoogga saarayaan xaqiijinta ammaanka xuduudahooda.

Ma aha markii ugu horreysay ee uu madaxweyne Maraykan ah ciidamo badan ku daabulo soohdinta uu dalkiisa la leeyahay Mexico.

Madaxweyne Barack Obama ayaa markii uu xilka hayay geeyay soohdintaasi ku dhawaad 1,200 oo askari oo ka tirsan ciidamada ilaalada qaranka, halka madaxweynihii ka horreeyay ee George W Bush uu ku dhawaad 6,000 oo askari dhigay soohdintaasi.

Sida uu ku warramayo wageyska Wall Street Journal, askarta uu hadda u dirayo Maraykanka soohdinta uu la leeyahay Mexico ayaa ka badnaan doona wadarta kuwa dalkaasi ka jooga Suuriya iyo Ciraaq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here