Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan Oo Dacwad Oogaha Sacuudiga ka Dalbaday Inuu Shaaciyo Cida Amartay Dilka Wariye Jamaal Khaashoggi.

0
713

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan Oo Dacwad Oogaha Sacuudiga ka Dalbaday Inuu Shaaciyo Cida Amartay Dilka Wariye Jamaal Khaashoggi.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dacwad oogaha guud ee Sucuudiga ka dalbaday inuu shaaca ka qaaado ciddii uu kasoo fulay amarka lagu dilay weriye Jamaal Kaashogji.

Erdogan ayaa sheegay in dacwad oogaha Sucuudiga looga fadhiyo inuu baadhitaan ku sameeyo ciddii soo dirtay 15-ka qof ee lagu tuhunsan yahay inay Jamaal Khaashogji ku dileen gudaha qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay Istanbul.

Sikastaba ha ahaatee hadalka madaxweynaha Turkiga ayaa kusoo beegmaya xilli dacwad oogaha guud ee Sucuudiga uu booqasho ku tegayo qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay Istanbul.

Dawlada Sucuudiga ayaa xabsiga dhigtay dad lagu tuhunsan yahay dilka iyagoo sidoo kale shaqada laga ceeyriyay saraakiil sar sare, balse mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa beeniyay in dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan uu wax ka ogaa dilka Jamaal Khaashogji.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here