Al-Shabaab oo sheegtay in 30 askari ku dishay qarax ciidamo Itoobiyaan lala beegsaday

0
615

Al-Shabaab oo sheegtay in 30 askari ku dishay qarax ciidamo Itoobiyaan lala beegsaday

Xarakada Al-Shabaab ayaa war ka soo saartay qarax maanta Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan lagula eegtay duleedka magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Sida lagu qoray baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa Ciidamada Itoobiya uu khasaare xooggan ka soo gaaray qaraxa.

Qaraxa oo ahaa miino nuuca dhulka hoostiisa la geliyo ayaa lala beegsaday Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka yimid dhinaca Beledweyn, kuna socda dhanka xuduuda Itoobiya, waxaana kolonyada uu qarax ku qabsaday agagaarka deegaanka Ceel Gaal oo qiyaastii tobanaan KM u jira Beledweyne.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in 30 askari ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxaas, isla markaana gebi ahaanba lagu baabi’iyay kolonyadii ay saarnaayeen ciidamadaas sida lagu qoray baraha Internet-ka ee Al-Shabaab.

Ma jirto war ka madax banaan sheegashada Al-Shabaab ee ku aadan askarta ay sheegeen inay ku dileen qaraxa, hase ahaatee dadka deegaanka ayaa xaqiijinaya inuu jiro qarax lala beegsaday Ciidamada Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here