Wararkii ugu dambeeyay ee dilkii Jamal Khashoggi

0
641

Wararkii ugu dambeeyay ee dilkii Jamal Khashoggi

Sacudi Carabiya ayaa oggolaatay in lagu dhex diley Jamal Khashoggi oo ahaa saxafi wax ku qora wargeyska The Washingotn Post gudaha qunsuliyadeeda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Inkastoo ay qiratay Boqortooyada Sacudi Carabiya in lagu dhex diley qunsuliyadeeda balse illaa iyo hadda lama hayo meydka saxafiga Jamal Khashoggi.

Wararkii  ugu dambeeyay ee Jamal Khashoggi

Maraykanka oo ku baaqay in baaritaan cad lagu sameeyo dilkii Khashoggi

Xoghayaha Gaashaandhiga Maraykanka Jim Mattis ayaa sheegay in kulan uu la yeeshay dhiggiisa Boqortooyada Sacudi Carabiya uu ugu baaqay in baaritaan cad lagu sameeyo dilka Khashoggi.

Mattis xoghayaha Arrimaha Dibada Maraykanka ayaa kula kulmay wasiirka arrimaha dibada Sacudiga Adel al-Jubeir kulan ka dhacay Bahrain ayna ka wadahadleen dilka Khashoggi.

Xeer Ilaaliyaha Sacudiga oo imanaya Turkiga

Xeer ilaaliyaha Sacudi Carabiya ayaa la qorsheynayaa inuu yimaado dalka Turkiga isagoo la kulmaya baarayaashii dilkii Khashoggi uuna arko waxyaabaha ay ogaadeen.

Turkiga ayaa sheegay in xeer ilaaliyaha Saud  al-Mojeb la filayo in uu la kulmo baarayaasha Turkiga ee kiiska Khashoggi baarayay toddobaadyadii la soo dhaafay.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ku saabsan booqashada xeer ilaaliyaha Sacudiga ee dalka Turkiga oo ka soo baxay Boqortooyada Sacudi Carabiya.

Xukuumada Turkiga ayaa dooneyso in loo soo gacan geliyo illaa 18 ruux oo Sacudiyiin ah kuwaasoo loo xirey tuhumo la xiriira inay ku lug lahaayeen dilkii Khashoggi ee 2dii bishan Oktoobar.

Hase yeeshee Wasiirka Arrimaha Dibbada Sacudi Carabiya ayaa sheegay in dadka loo hayo dilka Khashoggi marka la dhameeyo baaritaanka lagu maxkamadeyn doono boqortooyada Sacudi Carabiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here