Madaxweyne Farmaajo oo markii labaad shir wadatashi isugu yeeray dowlad Goboleedyada (War saxaafadeed)

0
706

Madaxweyne Farmaajo oo markii labaad shir wadatashi isugu yeeray dowlad Goboleedyada (War saxaafadeed)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa isaga oo garwaaqsan baahida loo qabo ilaalinta midnimada, wadajirka iyo qarannimada Soomaaliyeed, isla markaasna tixraacaya shirkii ay bishan Oktoober yeesheen madaxada Dowlad Goboleedyada, wuxuu mar kale ku celinayaa baaqiisii ku aaddanaa in shir wadatashi ah ay kasoo qeyb galaan Madxda Dowlad Goboleedyada kaas oo looga wada hadlayo xal u helista tabashooyinka ay qabaan.

War saxaafadeed caawa ka soo baxay Madaxtooyada ayaa aad uga duwana war saxaafadeedyadii hore, marka loo eego lahjada la adeegsaday oo aheyd mid tanaasul iyo dabacsanaan ka muuqatay, kaddib muddo Villa Somalia dhiilo siyaasadeed oo ka dhan ah maamul goboleedyada ka soo yeerayay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxda Dowlad Goboleedyada in iyaga oo eegaya danta dalka iyo dadka ay aqbalaan dalabka Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo midnimada, wax wada qabsiga iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

“Uma ogolaan karno kala aragti duwanaansho siyaasadeed darteed in gaabis ku yimaado guulihii sida adag aanu ku yagleelnay ee la xiriiray dib u dhiska dalka iyo hay’adaha dowliga ah. Wadahadal iyo midnimio dhab ah oo kelliya ayaa inoo sahli kara inaanu hore uga sii dhaqaaqno halka aan hadda taagannahay. Talo iyo cudud mid ah ayaanu uga adkaan karnaa kooxda arxan laaweyaasha ah ee Alshabaab si aanu u gaarsiino dadkeenna nabad, barwaaqo iyo horumar.”

Madaxweynaha ayaa sheegay inay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka garaabeyso wixii tabashooyin ah ee ay tirsanayaan Dowlad Goboleedyada, isagoo intaas ku daray in wadahal ku dhisan wadatashi, isqancin iyo isu-tanaasul ay diyaar u tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo dardargaliyo dadaallada dib u dhiska, dib u xoreynta iyo nabadeynta dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabbdullaahi Farmaajo ayaa intaas raaciyay inuu xiriir la sameynayo dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, isaga oo aaminsan in dhabbaha wadahadalka, iskaashiga iyo isu-tanaasulka uu yahay midka kaliya ee lagu gaari karo nabad iyo horumar.

Bishii September ayay aheyd markii Madaxweyne Farmaajo uu shir wadatashi isugu yeeray Madaxda dowlad goboleedyada, kaddib shirkii Kismaayo, waxaana shirkaas oo ku qorsheysnaa 17 iyo 18 bishii September u baaqday, kaddib markii ay qaadaceen madaxda dowlad goboleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here