Madaxweynaha Puntland oo taliyaal cusub u magacaabay Ciidamada Booliska iyo Daraawiishta Puntland

0
753

Madaxweynaha Puntland oo taliyaal cusub u magacaabay Ciidamada Booliska iyo Daraawiishta Puntland

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ayaa xilalkii ka qaaday taliyaashii Ciidamada Booliska iyo Ciidamada Daraawiishta isagoo taliyaal cusub u magacaabay xilalkoodii.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa u magacaabay taliyaha ciidamada Booliska Puntland ,Sarreeye Guuto Muxiyadiin Axmed Muuse oo halka taliyaha ciidamada Daraawiishta loo magacaabay Sarreeye Guuto Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen.

Taliyihii hore ee ciidamada Daraawiishta Gen Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere) ayaa xilka laga qaaday kadib markii uu saaka ku dhowaaqay inuu yahay musharax xilka madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa xilka ka qaaday taliyihii ciidanka Booliiska PuntlandSarreeye Guuto Cabdullaahi Shire Dool balse lama sheegin sababta xilka loogaga qaaday taliyihii hore ee ciidanka Booliska.

Madaxweyne Gaas ayaa muddo 24 saacadood gudahood ah soo saaray ilaa afar digreeto oo ku socota saraakiisha ciidadamada,waxaana shaqada laga rukhseeyay saraakiil ka kala tirsanaa Daraawiishta iyo Booliiska,kuwaaasoo lagu eedeeyay falal liddi’ ku ah jiritaanka Puntland iyo anshaxa ciidannimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here