Shirkad Japanese ah oo Shaqaaleheeda lacago Dheeraad ah Ku Siinaysa Hurdada Ay Seexdaan!

0
1074

Shirkad Japanese ah oo Shaqaaleheeda lacago Dheeraad ah Ku Siinaysa Hurdada Ay Seexdaan!

Shirkadda “Crazy Mask” ee dalka Japan ayaa ku dhawaaqday in shaqaalaheeda sida wanaagsan u hurda ay ku abaalmarineyso lacago dheeraad ah oo mushaaka ka baxsan.

Shirkaddan ayaa ka mid ah shirkadaha xafladaha diyaariya ee ka dhisan magaalada Tokyo, waxey goosatay iney shaqaalaheeda abaalmarinno ku siiso si ay ugu dhiirrigeliso iney hurdo wanaagsan helaan.

Shirkaddu waxey heshiis la gashay shirkadda “Airweave” oo ah shirkad ku takhasustay teknoloojiyada, si loola socdo nidaamka hurdada ee shaqaalaha, iyadoo qofka shaqaalaah uu mobile-kiisa kala dagi karo apps-ka Airweave Sleep Analysis oo xogtooda ay la wadaagayaan shirkadda.

Shirkadda Crazy, ayaa caddeysay in shaqaalaha uu appka la daga xogtooda hurdada la wadaaga ay heli doonaan dhibco iyadoo dhibcahaas lagu heli doono kolba tirada saacadaha ay hurdaan oo ay ku helayaan lacago dheeraad ah,, Appkan ayaa dhiraandhirinaya caadooyinka hurdada shaqaalaha, halka uu si gaar ah ula soconayo marka ay hurdada si wanaagsan ugu dhex jiraan iyo tirada saacadaha ay hurdaan, haddii ay caddaato in qofka shaqaalaha ah uu hurdo 6 saacadood habeenkii muddo 5 maalmood ah isbuucii, waxa uu helayaa 500 dhibcood oo uu ku helayo lacag qiimaheedu gaarayso 500 oo yen oo lacagta Japan ah..

Shirkaddana ayaa tilmaantay in markii ay nidaamkan cusub dhaqangeliyeen ay guud ahaan shaqadii ay hagaagtay, waxeyna la yimaadeen shaqaaluhu fikirro hal-abuur leh xilliga diyaarinta xafladaha, nidaamkan cusub ayaa soo dhaweyn xooggan ka helay shaqaalaha, dalka Japan waa dalka laga shaqeeyo saacadaha shaqo ee ugu badan adduunka.

Shirkadda Crazy ayaa la waxaa la aasaasay 2012, waxeyna ku takhasustay diyaarinta xafladaha, laga soo bilaabo mudadii la aasaasay waxey ahayd mid aad uga fakarta daryeelka shaqaalaha si howlqabadka shaqaalaha uu u wanaagsanaado.

Shirkaddan waxey horey u sameysay nidaam ay cunno caafimaad ku helayaan shaqaalaha si la iskugu dheellitiro cunnada, nasashada shaqaalaha iyo dhaqaaqa shaqo ee ay sameynayaan.

Daraasad ay sameysay jaamacadda Kitasato University, ayaa lagu ogaaday in dhaqaalaha Japan uu khasaaro sanadkii 3.5 tirilion yen, lacago u dhigma 31 bilyan oo dolar, sababo mushkilado ku aaddan dharka hurdada.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here