Madaxwayne Biixi oo Bilaabay Inuu Xilalkii Gobolka Saaxil Ugu Badnaa Ku Taxo Beeshiisa iyo Ujeedada Ka Dambaysa.

0
625

Madaxwayne Biixi oo Bilaabay Inuu Xilalkii Gobolka Saaxil Ugu Badnaa Ku Taxo Beeshiisa iyo Ujeedada Ka Dambaysa.

Tan iyo intii uu xilka la wareegay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi oo laga joogo 10 bilood waxaa gobolka Saaxil ka socday isbedello dhinaca xilalka iyo siyaasadda ah kuwaas oo ku salaysnaa dhaqdhaqaaqyo ay xadhkahoodu taxnaayeen illaa madaxtooyada.
Gobolka Saaxil oo ay asal ahaan wada degaan saddex beelood oo waaweyn ayaa ka mid ah kuwa ugu muranka badan dhinaca manaasibta siyaasiga ah hase yeeshee waxaa xaalka uga sii daray madaxwayne Biixi oo intii uu joogay xilalkii gobolka ee ka midka ahaa saamiga beelaha kale ku taxay jilibkiisa (Sacad Muuse).
Xilalka uu ku taxay Madaxwaynuhu reerkiisa waxa ka mida ; taliyaha ciidamada badda gobalka Saaxil, taliyaha tubataaryada, taliyaha booliska, xeer ilaaliyaha gobalka, guduumiyaha maxkamada sare, iyo badi isuduwayaasha gobalka Saaxil.
Waxa xusid mudan in  xilalkan uu magacaabay intii yarayd ee uu xilka hayay.
sidoo kalena arrinta xiisaha leh ayaa ah in, saamaynta ugu badan ay taabatay oo xilalka laga xayuubiyay beesha Bariga Saaxil (Habar jeclo) oo ka mid ah beelaha dega Saaxil.
talaabooyinka ayaa dadwaynaha gobalka Saaxil u fahmeen  inuu madaxwaynuhu reerkiisa hoose ( sacad Muuse) uga faa’idaynayo inuu inta uu xilka joogo ku beero gobalka Saaxil,  islamarkaana uu  ka safeeyo beesha Bariga Saaxil dhamaan xilalka gobalka.
talaabooyinkan ayaa waxa Madaxwaynaha si dhaw ugala shaqeeya wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye  iyo Maayerka Berbera Cabdi Shakuur Cidin.
Geesta kale guddoomiyaha DP World iyo aaga suuqa ganacsiga xorta ah (Free Zone) ayaa isna Madaxwaynuhu u magacaabay wiil uu adeer u yahay , halka uu ka dhigay safiirka Imaaraatka wiil ay xaaska madaxwaynuhu eedo u tahay.
Ma cadda dhaq-dhaqaayadan ujeedada madaxtooyadu ka leedahay waxa se aan meesha ka maqnayn inuu madaxwaynuhu ku talo jiro inuu beeshiisa hoose ay qayb ka noqoto siyaasadda gobolka Saaxil maadaama aanay hadda wax saamayn ah ku lahayn marka laga reebo (Ciise Muuse) oo iyaga laftoodu haatan la yaaban ujeedada madaxwaynuhu ka leeyahay xilalkan uu jufadiisa ku taxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here