Mustafa Cagjar oo ku taliyay in Cadaaladda la mariyo Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar”

0
639

Mustafa Cagjar oo ku taliyay in Cadaaladda la mariyo Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar”

Madaxweynaha Maamulka Soomaalida ee Itoobiya hoos-taga Mustafa Muxumed Cumar Cagjar ayaa ka warbixiyay xaalada gobolka Soomaalida iyo is bedeladii u dambeeyay ee ka dhacay.

Mustafa Cagjar oo wareysi siiyay Idaacada Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wada hadaladii Jabhadda ONLF iyo dowladda Itoobiya ay ka soo baxeen natiijooyin wax ku ool ah.

Waxaa uu sheegay in lagu heshiiyay dhammaan qodobadii looga hadlay shirka, sida in la joojiyo colaada, Jabhadda afkaarteeda ay si nabadgelyo ku jirto ku raadiso barnaamijkooda iyo in la sameeyo Guddi wadajir ah oo la xiriira heshiisyada mustaqbalka iyo mabaa’diida ururka u u taagnaa.

Mar wax laga weydiiyay maxkamadeynta Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in loo heysti dilka kumanaan kun oo shacab ah oo si waxashnimo ah loo laayay iyo kufsi, isagoo xusay in weli Maxkamadda socoto.

Waxaa uu sheegay haddii lagu helo dambiyada loo heysto uu ciqaabtiisa marayo, haddii lagu waayana ay Maxkamadda fasixi doonto

“Aniga cadaalada in la mariyo ayaa ku talin lahaa, wixii uu ka helaba, waayo aniga waxa cafin karaa wixii shaqsiyan aan ka tabanayo, dadkii dhibaateysnaa ee tobanaanka kun eheladooda la baabi’iyay ayay u taallaa, howl aan aniga qaban karo ma ahan”ayuu yiri Mustafa Cagjar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here