Ra’iisul Wasaaraha oo magacaabay Guddi Wasiiro ah oo Aqalka sare kala shaqeeya xalinta cabashooyinka Maamul Goboleedyada

0
700

Ra’iisul Wasaaraha oo magacaabay Guddi Wasiiro ah oo Aqalka sare kala shaqeeya xalinta cabashooyinka Maamul Goboleedyada

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay Guddi Wasiiro ah oo ka kooban afar xubnood kuwaasoo Aqalka sare kala shaqeeya xalinta cabashooyinka maamul Goboleedyada.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo jawaab u ahaa war saxaafadeedkii Aqalka Sare uu kaga dalbaday Xukuumadda inay caddeeyaan mowqifkooda cabashada maamul goboleedyada iyo khilaafka maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

Guddigan ayaa waxaa guddoomiye u ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, halka ay xubin ka yihiin Wasiirka Dastuurka, Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Amniga.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa heerkii ugu xumaa gaaray, kaddib markii maamul goboleedyada ay xiriirka u jareen dowladda Federaalka.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here