Kenya oo Muqdisho kusoo celisay 17-ruux oo Soomaali ah oo kusii jeeday dalka…

0
887

Kenya oo Muqdisho kusoo celisay 17-ruux oo Soomaali ah oo kusii jeeday dalka…

Dowlada Kenya ayaa magaalada Muqdisho dib ugu soo celisay 17-ruux oo Soomaali ah oo kusii jeeday magaalada Kampala ee dalka Uganda, dadkan lasoo celiyay ayaana diyaaradii ay la socdeen kusii hakatay garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Laanta socdaalka dowlada Kenya ayaa u diiday muwaadiniintan Soomaaliyeed in ay usii gudbaan magaalada Kampala, waxaana dadkan Soomaaliyeed lagu eedeeyay in ay buuq ku sameeyeen gudaha garoonka Joma Kenyatta.

Gordon Kihalangwa oo u hadlay laanta Socdaalka dalka Kenya ayaa sheegay in Soomaalida dib loogu celiyay Muqdisho aysan wadan dukumiintiyo sax ah sidoo kale aysan heysan oggolaansho dhinaca ammaanka.

Dowlada Kenya ayaa sidan oo kale marar badan magaalada Muqdisho dib ugu soo celisay muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaa ay ku eedeesay in aysan wadan dukumiintioyo sax ah halka kuwa kalana ay Kenya u diiday in dalkeeda gudaha u galaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here