Heshiiskii Somaliland Iyo Khaatumo Oo Qarka U Saaran In Uu Burburo, Cali Khaliif Oo Cadho Ku Maqan Somaliland + Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay

0
818

Heshiiskii Somaliland Iyo Khaatumo Oo Qarka U Saaran In Uu Burburo, Cali Khaliif Oo Cadho Ku Maqan Somaliland + Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay

Hehiis kooban oo hore u dhex-maray xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Khaatumo ayaa qarka u saaran in uu burburo ka dib markii uu ka fuli waayay dhinaca xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh oo in muddo ku sugnaa magaalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo aanu helnay in uu cadho kaga maqan yahay Somaliland ka dib markii loo fulin waayay arrimihii lagu heshiiyay.

Wad-hadallo taxane ah oo muddo u socday Somaliland iyo Khaatumo heshiisyo lagu gaadhay, taasi markii dambe uu magaalada Hargeysa u yimid Cali Khaliif Galaydh balse waxba kama fulin heshiisyadaasi.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu xaqiijiyay in hoggaamiye Cali Khaliif Galaydh uu dalka dibaddiisa ku maqan yahay isaga wax ka tirsanaya xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu sheegay in labada arrimood uu dadaal badan ku bixiyay ay qabyo yihiin waxaanu yidhi “waxa aanu xoogga saarnay in aynu dadkeena midayno, Madaxweynaha tallo ka siino, laba arrimood ayaanu aad xoogga saarnay waxa ay yihiin arrinta Khaatumo iyo arrintii dagaalkii Ceel-afweyn, labadaa ayaanu annagu xoogga saarnay in aanu gacantaa ka geysano waxa nasiib-darro ah Khaatumo arrinteedii in aanay dhammaan oo Prof. Cali Khaliif Galaydh uu dibadda ku maqan yahay isaga oo wax tirsanaya, xaggana uu Caarre ka samaysmay ayaa dhacday” ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Wada-hadallada Somaliland iyo Khaatumo ayaa 4 bisha August ee sannadkii 2016-ka ka bilaamay magaalada Caynaba waxaana heshiisyo kala duwan ay ku gaadheen Somaliland gudaheeda iyo dalka dibaddiisa, balse waxa muuqata in xukuumadda Somaliland aanay waxba ka fulin heshiiskaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here