Faah-faahin: Dagaal Beeleed Saaka Ka Dhacay Gobolka Sool Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

0
651

Faah-faahin: Dagaal Beeleed Saaka Ka Dhacay Gobolka Sool Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Beelihii hore ugu dagaalamay koonfurta gobolka Sool ee dhawaan lagu heshiisayay magaalada Laascaanood ayaa saaka mar kale dagaal khasaare badan sababay ku dhex-maray deegaanka Dhumay ee koonfurta ka xigta magaalada Laascaanood.

Warar hadda naga soo gaadhaya deegaanka ay saaka ku dagaalameen labada beelood ee Baharsame iyo Qayaad ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalku istaagay, waxaana wararku intaa ku darayaan in ciidammada qaranka Somaliland kala dhex-galeen labada beelood dagaalku dhex-marayay.

Wararka aanu helayno waxa ay sheegayaan in khasaaraha dhimashada ay kor u dhaaftay 10 qof halka dhaawacuna intaa ka badan.

Xukuumadda Somaliland ayaa waxa ay dadaal badan u gashay sidii ay heshiis u kala dhex-dhigi lahayd labadan beelood oo dhawr jeer dagaalamay, iyada oo uu wasiirka arrimaha guduhu muddo ku sugnaa magaalada Laascaanood oo uu u joogay xalinta arrinta.

Xukuumadda Somaliland, Maamulka gobolka Sool iyo guddiga nabad-galyada wali kama hadal dagaalkan saaka ka dhacay koonfurta Magaalada Laascaanood.

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala socda halkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here