Turkiga oo balan-qaaday inuu soo bandhigayo macluumaad dheeraad ku saabsan dilkii Kashoggi

0
689

Turkiga oo balan-qaaday inuu soo bandhigayo macluumaad dheeraad ku saabsan dilkii Kashoggi

Turkiga ayaa ku dhawaaqay inuu soo bandhigayo macluumaad dheeraad oo ku saabsan dilkii Wariye Jamaal Kashoggi oo lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga.

Baaritaan socday muddo todobaad ah ayaa soo gabagaboobay, iyadoo dowladda Sacuudiga ay qiratay in Jamaal Kashoggi lagu dilay gudaha Qunsuliyadda.

Baarayaasha Turkiga ayaa horay u sheegay in si ku talagal ah loo dilay Jamaal Kashoggi, kadibna meydkiisa la jarjaray

Sidoo kale waxay sheegeen inay hayaan codod iyo muuqaalo muujinaya dilka Wariye Jamaal kashoggi.

“Turkiga waxa ay soo bandhigi doonaan wax kastoo dhacay,” ayuu yiri Omer Celik sida ay sheegtay Wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu.

“Cidna ma dacweyneyno balse ma ogolaanayno in ay jiraan wax damboo la qariyo oo waan shaacinaynaa.”

Turkiga ayaa haatan joojiyay eedeyntii uu Sacuudiga u soo jeedinayay ee dilka Khashoggi.

Warbaahinta Sacuudiga ayaa sheegay in kiiska dilka Jamaal Kashoggi loo xiray illaa 18 ruux, shaqadana looga joojiyay Kuxigeenka Sirdoonka iyo Gacan yaraha Dhaxal Sugaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here