Donald Trump oo sheegay in uusan ku qanacsanayn sida Sucuudiga uga warbixiyay dilka Jamaal Kaashogji

0
689

Donald Trump oo sheegay in uusan ku qanacsanayn sida Sucuudiga uga warbixiyay dilka Jamaal Kaashogji

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu sheegay inuusan ku qanacsanayn sida xukuumadda Sucuudiga ay uga hadashay dilka weriye Jamaal Kaashogji.

Wuxuu sheegay inay suuragal tahay in dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan uusan ka war haynin dilka weriyaha.

” Aniga kuma qanacsani warbixinta tan iyo inta laga helayo jawaab cad’ ayuu yiri Trump.

Wuxuu intaasi ku daray inay suuragal tahay cunabatayn dhanka hubka ah oo lagu soo roggo Sucuudiga balse wuxuu sheegay ‘inay dhibaato wayn ay u horseedeyso Mareykanka oo ka badan midda Sucuudiga uu la kulmi karo’.

Mareykanka ayaa horey u sheegay in haddii la xaqiijiyo in Sacuudiga ay ku lug leeyihiin dilka saxafigan ay cawaaqib xun kala kulmi doonaan.

Hadalka Sucuudiga

Warbaahinta dowladda Sucuudiga waxay sheegtay in weriye Jamaal Kaashogji uu geeriyooday kaddib markii uu ku dhintay dagaal ka dhacay qunsuliyadda gudaheeda xilli uu halkaasi joogay.

Wararka waxay sidoo kale sheegayaan inuu Jamaal ku dhintay dagaal qunsuliyadda gudaheeda ku dhexmaray isaga iyo dad joogay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul.

Xukuumadda Sucuudiga waxay shaqada ka ceeyrisay ku-xigeenka sirddoonka Axmed Al-Caasiri iyo la taliyaha arrimaha sharciga boqortooyada Sacuud Al Qaxdhaani kuwaaso iska foggeeyay inay wax ka ogaayeen dilka weriyaha.

Waxaa lagu soo warramaya in boqor Salmaan uu amar ku bixiyay inay la sameeyo guddi wasaaradeed oo u hoggaaminayo dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan, si dib u habayn loogu sameeyo hay’adda sirddoonka qaranka.

Warkan lagu daabacay wakaalada wararka ee Sacuudiga ayaa ka dambeeyay wax yar uun ka dib markii uu boqor Salmaan uu khadka taleefonka kula hadlay madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ay arrintan ka wada hadleen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here