DEG DEG : Boqortooyada Sucuudiga Oo Qiratay Dilka Wariye Jamaal Khashoggi Xabsigana U Taxaabtay Saraakiishii Fuliyay Dilka 

0
601

DEG DEG : Boqortooyada Sucuudiga Oo Qiratay Dilka Wariye Jamaal Khashoggi Xabsigana U Taxaabtay Saraakiishii Fuliyay Dilka

Warbaahinta dowladda Sucuudiga waxay sheegtay in weriye Jamaal Khashgooji uu geeriyooday kaddib markii uu ku dhintay dagaal ka dhacay qunsuliyadda gudaheeda xilli uu halkaasi joogay.

Wararka waxay sidoo kale sheegayaan inuu Jamaal ku dhintay dagaal qunsuliyadda gudaheeda ku dhexmaray isaga iyo dad joogay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul.

Xukuumadda Sucuudiga waxay shaqada ka ceeyrisay ku-xigeenka sirddoonka Axmed Al-Caasiri iyo la taliyaha arrimaha sharciga boqortooyada Sacuud Al Qaxdhaani kuwaaso iska foggeeyay inay wax ka ogaayeen dilka weriyaha.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu sheegay in waxa dhacay aanan la aqbali doonin balse Sucuudiga uu yahay saaxib dhaw.

Madaxwayne Trump ayaa sidoo kale ku tilmaamay tallaabo muhim ah oo loo qaaday xarigga shaqsiyaadka,wuxuu Sucuudiga ku ammaanay tallaabada degdeg ah ay qaadeen.

Wuxuu intaasi ku daray madaxwayne Trump ‘inkastoo cunaqabatayn ay tahay tallaabo Mareykanka u furan balse tallaabooyiin noocaas ah ay aad u dhaawacaysaa dhaqaalaha Mareykanka’.

Mareykanka ayaa horey u sheegay in haddii la xaqiijiyo in Sacuudiga ay ku lug leeyihiin dilka saxafigan ay cawaaqib xun kala kulmi doonaan.

Waa markii ugu horreysay uu Sucuudiga ku qirto inuu ka dambeeyay dilka weriye Jamaal Kashgooji.

Waxaa lagu soo warramaya in boqor Salmaan uu amar ku bixiyay inay la sameeyo guddi wasaaradeed oo u hoggaaminayo dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan, si dib u habayn loogu sameeyo hay’adda sirddoonka qaranka.

Warkan lagu daabacay wakaalada wararka ee Sacuudiga ayaa ka dambeeyay wax yar uun ka dib markii uu boqor Salmaan uu khadka taleefonka kula hadlay madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ay arrintan ka wada hadleen.

Waxaa lagu soo warramaya in macluumaad sirddoon ah ay soo gudbiyeen Turkiga uu Sucuudiga ka caawiyay baaritaanada.

Ciidammada Turkiga ee baaritannada ka waday qunsuliyadda IstanbulLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionCiidammada Turkiga ee baaritannada ka waday qunsuliyadda Istanbul

Jamaal Kashgooji waxaa dad ugu war dambeysay labadii bishan xilli uu waraaqo kasoo qaadanayay qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul.

Mar sii horreysay, booliska Turkiga waxay baaritanno xooggan ka wadeen gudaha qunsuliyadda, saraakiil aanan magacooda la shaacinin ayaa sheegay in maydka weriyaha lagu tuuray kayn halkaasi ku taalla.

Maxay sheegeen saraakiisha Sucuudiga?

Bayaan kasoo baxay dacwad oogaha guud ee dowladda Sucuudiga ayaa lagu sheegay in dagaal uu qunsuyliyadda ku dhexmaray weriye Jamaal Kashgooji iyo dad halkaasi ay ku kulmeen ay dhalisay dhimashadiisa.

Baaritaano ayaa hadda socdaa, bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in 18 qof oo Sucuudiga u dhashay xabsiga la dhigay.

Ragga shaqada laga ceeyriyay

Bogga Twitter-ka Qaxddaani waxaa ku xiran in ka badan hal milyan oo qofLahaanshaha sawirkaTWIITER/@SUADQ1978
Image captionBogga Twitter-ka ee Qaxddaani waxaa ku xiran in ka badan hal milyan oo qof

Janaraal Axmed Al Casiiri : Afhayeen sare oo boqortoyada u qaabilsanaa dagaalka Yemen.

Janaraal Casiiri wuxuu 2017-kii BBC-da siiyay wareysi ku saabsan dagaalka yemen isaga oo difaacayay tallaabooyiinka Sucuudiga ee Yemen.

Sacuud Al-Qaxddaani waa la taliyaha boqortooyada ahna la taliyaha gaarka ah ee dhaxal sugaha Maxamed bin Salmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here