Wasiirka Waxbarashada oo sheegay in dib u habeyn lagu sameyn doono Jaamacadaha dalka

0
528

Wasiirka Waxbarashada oo sheegay in dib u habeyn lagu sameyn doono Jaamacadaha dalka

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Wasaaraddu ay diyaarineyso inay dhisto Guddiga Tacliinta sare ee dalka oo dib u habeyn xooggan ku sameyn doona Jaamacadaha waddanka ku yaalla, si loo ogaado tayada waxbarasho ee ay bixiyaan.

Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo ka hadlayay maanta warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in guddigaan uu awoodu leeyahay dib u habeynta Tayada Waxbarasho ee Tacliinta sare, isla markaaana Jaamacadaha dalka oo dhanna uu dib u habeyn ku sameyn doono.

Wasiirka Waxbarashada ayaa sidoo kale sheegay in sanadka 2020-ka ay ku rajo weyn yihiin in Jaamacadda Ummadda ay awood u yeelato in ay qaadato sannad walba 10,000 oo Arday (Toban Kun oo Ardey).

Lama oga sida ay u aqbali doonaan Jaamacadaha gaarka loo leeyahay ee ka jira dalka dib uhabeyntan ay ku dhowaaqday Wasaarada Arrimaha Dibadda maadaama uu tartan ka dhexeeyo.

Wasiirkii hore ee Wasaarada Waxbarashada dowlada federalka Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa dhamaadkii bishii July ee sanadkan ayaa ku sheegay in wasaaradiisu aaney aqoonsaneen jaamacadaha dalka, isaga oo u sababeeyay tayadooda.

Hase yeeshee Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waqti kooban kadib xilka ka qaaday wasiirkii hore waxbarashada Cabdiraxmaan Daahir Cismaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here