Guriga Qunsulkii Sacuudiga ee Istanbuul oo la baaray iyo Xog badan oo laga helay

0
590

Guriga Qunsulkii Sacuudiga ee Istanbuul oo la baaray iyo Xog badan oo laga helay

Gurigan ayaa ah goobta labaad oo ay tageen kooxda la rumeysan yahay inay Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul ku dileen suxufigii Jamal Khashoggi 2dii bishan Oktober.

Ciidamada Booliiska Turkiga ayaa horey usoo baaray xarunta Qunsuliyada Boqortooyada Sacuudiga ee Istanbul oo ah halka la filayo inuu dilka ka dhacay, waxayna saraakiil la hadlay saxaafada sheegeen inay xog badan ay halkaasi ka heleen, walow ay sidoo kale sheegeen in qeybo kamid ah Qunsuliyada gudaheeda ranji cusub la mariyey si loo tirtiro cadeynta dilka halkaasi ka dhacay, balse ay heleen cadeynmo ku filan.

Xalay ayey mar labaad baaritaan ku sameeyeen xarunta Qunsuliyada, qeybta ay rumeysan yihiin in lagu dilay Jamal Khashoggi.

Illaa iyo hada lama yaqaan waxa ay ka heleen guriga ay degenaayeen qoyska Qunsulka Sacuudiga oo isagu la sheegay inuu u baxsaday dalka Sacuudiga, goobtaasi ayaa ah halkii ay tageen kooxdii falkan geystay kadib markii ay ka baxeen xarunta Qunsuliyada wuxuuna dhowr tibaalo u jiraa gurigaasi isla xarunta Qunsuliyada, waxaana muuqaal ay horey u duubeen kamerooyinka CCTV ee Turkiga muujinayeen in gaadiidka la rumeysan yahay inuu saarnaa meydka suxufi Jamal uu gudaha u galay guriga Qunsulka kahor intaysan kooxda hawsha fulisay aysan ka dhoofin wadanka Turkiga,

Boqortooyada Sacuudiga oo 2dii asbuuc ee lasoo dhaafay si adag u dafireysay inay wax ka ogtahay halka uu ku sugan yahay Jamal Khashoggi, ayaa hada sheegaya inay baari doonaan in falkan ay geysteen koox ka tirsan Sirdoonka Sacuudiga oo aan amar ka heysan madaxda sare ee Sacuudiga.

Balse doodan ayaa meesha ka baxday kadib markii Turkida ay si hoose saxaafada u siisay xogta Sarkaalkii hogaaminayey kooxda Sirdoonka Sacuudiga oo ah mid kamid ah saraakiisha sida tooska ah uga amar qaata Maxamed Bin Salmaan, dhaxal sugaha Boqortooyada.

Maher Abdulaziz Mutreb ayaa la sheegay inuu hogaaminayey kooxda dilka geysatay, waxayna Turkida horey u shaaciyeen sawiradiisa iyo kooxdii la socotay, ninkan ayaa intuu ku sugnaa Istanbul xiliga uu dilka dhacay ugu yaraan 4 jeer wacay telefonka Xoghayaha khaaska u ah Maxamed Bin Salman, sida laga helay baaritaanka Turkiga ku sameeyey isgaarsiintii ay adeegsanayeen kooxdan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here