Daraasad Cusub oo Daahrogtay “Da’da Ugu Fiican” ee Guurka Lagu Nagaado

0
2520

Daraasad Cusub oo Daahrogtay “Da’da Ugu Fiican” ee Guurka Lagu Nagaado

Daraasad cusub oo dalka Mareykan laga sameeyay ayaa lagu ogaaday da’da ugu habboon ee guurka, daraasaddu waxey sheegtay guurka xilli hore ee nolosha in uu kordhiyo fursadaha guurka lagu xasilo ee mudada dheer sii jira.

Daraasaddan oo laga sameeyay jaamacadda  Utah State University (USU), ayaa lagu ogaaday in dadka ugu habboon ee guurka waara uu yahay 28 ilaa 32-sano, natiijada daraasaddan ayaa lagu xusay in xiriirka da’aaddan la sameeyo uu muddo dheer sii jiro.

Sida ay qortay jariidada Independent, cilmi-baaraha dhanka Sociologyga, Nick Wolfinger ayaa hogaaminayay daraasaddan oo laga sameeyay xogo la uruuriyay inta u dhaxeysay 2006 ilaa 2011, waxey cilmi-baaryaashu isku dayeen iney fahmaan dabeecadaha lamaanayaasha iyo qoyska gudaha dalka Mareykanka.

jariidadu waxey leedahay, fikirkii horey loo aaminsanaa waxa uu ahaa in dadka xilli dambe is guursadaa ee da’weynida isku helaa ay xiriirkooda ilaashadaan si ka badan dadka kale.

Daraasaddan ayaa lagu ogaaday in guurka oo dib loo dhigo illaa laga gaaro 45-jirka ay kordhiso suurtaggalnimada furriinka 5%, halka dadka da’yaraan isku guursadaa ay ilaashadaan guurkooda iyo xiriirkooda si ka wanaagsan dadka kale.

Daraasaddan ayaa ku dabaqmaysa bulshada Mareykanka, waxaa dhici karta in arrintan bulshooyinka kale ay kaga duwan yihiin, kuwaas oo leh nidaam bulsho, dhaqaale, dhaqan iyo mid xuquuqeed oo ka duwan dalka Mareykanka.

Daraasaddan ayaa waxey ka soo horjeeedda cilmi-baaris kale oo uu sameeyay aqoonyahanka Philip Cohen oo ka tirsan jaamacadda Maryland oo sheegay in da’da guurka ugu habboon ee guurka ay tahay inta u dhaxeysa 45 ilaa 49-jirka!.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here