Maandooriyaha Xashiishka oo Kanada la Sharciyeeyey

0
875

Maandooriyaha Xashiishka oo Kanada la Sharciyeeyey

Canada (Dalmar-News):-Berri waxa dalka Kanada ka bilaabmayo maandooriyaha xashiishka loo yaqaan oo isticmaalkiisa, ganacsigiisa iyo beerashadiisaba la sharciyeynayo. Arrintan ayaa soo bilaabatey 20 sano ka hor, ka dib marki Raysul Wasaarihi hore ee Kanada, Jean Chritien uu bilaabey ololaha sharciyeynta cabista maandooriyahan.

Qaybaha kala duwan ee bulshada Kanada ayaa aad uga soo horjeeday tilaabadan, hadana waxa ay isu diyaarinayaan sidi ay qasaaraha sharciyeynta maandooriyahan uga yareyn lahaayeen jaaliyaddooda iyo qoysaskoodaba.

Soomaalida-Kanada ayaa ka mid ah bulshada uu sida gaarka ah udhibayo sharcigan, maadaama diin iyo dhaqan ahaanba uu mabnuuc ka yahay guryaha Soomaalida-Kanada, hadana ay xashiishadu ka mid noqoneyso balwadaha suuqa si sharci ah looga iibsan karo.

Voasomali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here