Al-Shabaab oo xalay weeraray Kontaroolka Koofureed ee magaalada Jowhar

0
753

Al-Shabaab oo xalay weeraray Kontaroolka Koofureed ee magaalada Jowhar

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ay kooxo hubeysan oo la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay weerar kedis ah ku qaadeen bar koontarool oo ku taal  dhinaca koofureed ee magaalada Jowhar.

Iskahorimaad muddo gaaban socday ayaa dhex maray ciidamadii ilaalada ka ahayd barta koontarool iyo maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee soo weeraray.

Wararka ayaa sheegaya in rasaas xoog leh labada dhinac ay is weydaarsadeen iyadoo mid kamid ah ciidamada ilaalada ka ahayd kontoroolka uu ku dhintey halka mid kalana uu dhaawac ka soo gaaray.

Barta koontarool ee la weeraray ayaa waxa ay ku taal meel aan ka fogeyn Madaxtooyada Hirshabelle oo uu degen yahay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare,Guriga Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan.

Weerarka ay Al-Shabaab  ku qaadeen xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa imanaya iyadoo shalay ay magaalada Jowhar gaareen wafdi u horkacayo Ra’iisul Wasaare Kheyre kuwaasoo ay kamid ahaayeen Wasiira Amniga iyo Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Weerarkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee noociisa oo kale ah oo ay dagaalamayaasha Al-Shabaab ku soo qaadeen kontaroolka Koofureed ee magaalada Jowhar  tan iyo markii ay ciidamada dowlada federalka oo garabsanaya ciidamada AMISOM la wareegeen gacan ku haynta magaalada Jowhar dhamaadkii sanadkii 2012.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here