Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose

0
684

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow gaaray magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo dhowaan Ciidamo loogu magac daray Guutada 14 October ay la wareegeen ammaankeeda.

Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa u sheegay wakaaladda Wararka ee SONNA in Madaxweyne Farmaajo uu waqti la qaadan doono Guutada 14-ka October ee ciidanka xoogga dalka, kuwaasoo ahaa dhalinyaro ka jawaabay baaqii Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulan la qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Marka.

Ciidanka loogu magac daray Guutada 14-ka October ayaa todobaadyadii u dambeeyay howlgallo ka waday magaalada Marka, waxaana ay ku guuleysteen inay kala qaadaan ciidan beeleedkii isku hayay magaalada oo muddo afar sano ku dhow dagaalamayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here