Dibadbaxyo ka dhan ah Trump oo ka dhacay Chicago

0
669

Dibadbaxyo ka dhan ah Trump oo ka dhacay Chicago

Kumannaan qof oo Mareykan ah ayaa dibadbaxyo xooggan ka dhan ah madaxweyne Trump ka dhigay magaalada Chicago.

Dibadbaxyadani ayaa looga gol-lahaa in taageero loogu muujiyo xisbiga dimuquraadiga ka hor doorashada bisha Nofembar ee sanadkan.

Dadkan ayaa sitay boombale (caag la buufiyay) oo loo ekeysiiyay Trump oo carruur ah xiranna xafaayad.

Dibadbaxyadabi Chicago ayaa qeyb ka ah dibadbaxyo waaweyn oo la filayo in ay hareeyaan Mareykanka ka hor doorashadaasi koongareeska ee dhici doonta dabayaaqada Nofembar.

Dibadbaxyo kale ayaa iyagana la filayay in ay ka dhacaan Massachusetts.

Trump ayaa mucaaradad xooggan ka wajahayay gudaha Mareykanka tan iyo markii xilka madaxweynenimada loo doortay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here