DAAWO: Khilaaf Ka Dhex Qarxay Wasiirka Beeraha Iyo Mareeyaha Haaya’dda Aafooyinka + Muuqaal+Tallaabo Noocee Ah Ayuu Ka Qaadi Doonaa Madaxweynuhu?

0
641

DAAWO: Khilaaf Ka Dhex Qarxay Wasiirka Beeraha Iyo Mareeyaha Haaya’dda Aafooyinka + Muuqaal+Tallaabo Noocee Ah Ayuu Ka Qaadi Doonaa Madaxweynuhu?

Telefishanka Horn Cable ayaa warbixin uu baahiyay ku sheegay in afar masuul oo ka tirsan xukumadda madaxweyne Muuse Biixi khilaaf cakiran u dhexeeyo, islamarkaana ay jiraan qaar kale oo madaxa iskula jira laakiin, aanu wali khilaafkoodu soo shaac bixin.

Guddoomiyaha hay’adda ka hor tagga aafooyinka dabiiciga ah Faysal Cali Sheekh ayaa telefishanka u sheegay in wasiirka beeraha Axmed Muumin Seed aanu wax shaqo ah ku lahayn arrimaha la xidhiidha duufaan la sheegay in ay Somaliland ku soo fool leedahay kadib markii wasiir Seed sabtidii bulshada uga digay Duufaan iyo roobab la saadaalinayo.

Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cabdillaahi Abokor Cismaan iyo guddoomiyaha hay’adda waddooyinka Cismaan Sheekh Cabdi ayaa madaxa iskula jira. Labada masuul oo isku haya awoodda ayaa kiiskoodu gaadhay madaxweyne Biixi oo la filayo in uu u gar naqo.

Hore waxa murano xil ka qaadis ku dhammaaday u soo kala dhex galeen masuuliyiin ka mid ah xukuumada madaxweyne Biixi Qaarkood. Muran u dhexeeyay wasiirka Qorshaynta iyo agaasimihiisa ayaa sababay in Prof Cabdi Cali Jaamac iska casilo agaasimenimada markii dacwaddiisu gaadhay madaxweynaha, halka madaxweynuhu xilka ka eryay Mr Caliyow oo ay madaxa isla galeen wasiir Guri Barwaaqo.

HOOS KA DAAWO : 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here