Caado Ay Dadbadani Ku Dhaqmaan oo Laga Dhaxlo Cudur Dilaa ah!

0
1598

Caado Ay Dadbadani Ku Dhaqmaan oo Laga Dhaxlo Cudur Dilaa ah!

Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa ka digtay in faraha sanka la gashado ay keeni karto caabuqa sambabaha ah oo geeri qofka u horseedi kara.

Bakteeriyda caabuqa keena ayaa ku faafta taabashada sanka oo farta la geliyo, marka ay bakteeriyadu gacanta ku dhaggan tahay.

Cilmi-baaristan waxaa hoggaaminayay Kulliyadda Liverpool ee caafimaadka ee Tropical medicine, daraasaddan ayaa xoogga lagu saaray in bakteeriyada caabiqa sambabaha keenta sida ay haragga sare ugu faafto, iyadoo la ogaaday iney labo waddo sambabaha ku gaarto, in uu qofku sanka farta geliyo, bakteeriyadan ayaa sidoo kale ku faafta qufaca iyo hindhisada.

Waxaa la xushay 3 group oo ka kooban 10 qof oo dad qaangaar ah oo waddooyin kala duwan lagu xushay, waxaa gacmahooda la saaray jeermis qoyan iyo mid qalalan, waxaa laga doonayay iney gacmahooda ursadaan ama ay sanka farta geliyaan.

Waxaa caddaatay in jeermiska qoyan uu si dhammeystiran u gaaray gudaha jirka, halka sidoo kale la arkay in markasta ay bakteeriyadu faafayso ha noqoto mid qoyan ama qalalan.

Cilmi-baarayaashu waxey sheegayaan iney lagama maarmaan tahay in natiijada daraasaddan loo adeegsando in waalidka lagu baraarujiyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in caruurta looga nadiifiyo gacmaha iyo qalabka ay ku ciyaaraan, gaar ahaan marka ay la kulmaan qaraabadooda iyo dadka bukaanka ah.

Dr. Victoria Connor, oo ah cilmi-baare daraasaddan ka wax ka diyaarisay ayaa tiri: “Waxaan arrin waaqici ah ahayn inaan caruurta ka horistaagno iney bakteeriyo soo qaataan ama aan ka horistaagno iney sankooda farta ka ilaashadaan. xilliyada qaar bakteeriyadu waxey kaani kartaa iney xoojiso habdhiska difaaca jirka, sidaas oo kale; waxaa suuraggal ah iney yareyso fursadaha adkaysiga oo xilliyo dambe oo noloshooda ka mid ah, sidaa darteed; ma cadda in faafitaanka (Pneumococcus pneumoniae) uu caruurta uu yahay shayga ugu wanaagsan. ”

Waxey hadalkeeda sii raacisay: “Dhanka waalidka, daraasaddan waxey muujineysaa suuraggalnimada iney gacmuhu faafiyeen (Pneumococcus pneumoniae) bakteeriyda, marka ay caruurtu salaamaan qaraabadooda waayeelka ah iyo dadka habdhiska difaaca jirkoodu uu daciifka yahay. ”

Daraasaddan cusub oo lagu faafiyay joornaalka Yurub ee laga sameeyay habdhiska neefmareenka jirka, ayaa ah tii ugu horreysay ee caddeynaysa in bakteeriyda sambabada ku dhacda ay soo raacdo gacmaha iyadoo sanka kasoo gudbeysa.

Caabuqa sambabka ku dhaca ayaa dhibaato u geysta sambabaha, waxaa dhici kara duleelada hawada loogu talogalay iney ka buuxsamaan dareere, arrintaas oo yaraneysa heerka Oxgeyn-ka ee gaaraya jirka iyo maskaxda.

Cilmi-baarayaashu waxey heleen in bakteeriya ay suuraggal tahay iney ku faafto si isku mid ah iyadoo qalalan ama qoyan.

Professor Tobias Welt oo ah madaxa ururka Yurub ee habdhiska neefmareenka: “Daraasaddan waxey adkaynaysaa inaan si aad ah ugu dadaalno nadaafadda gacmaha iyo ka hortagga aasaasiga ah oo lagu dadaalo, sida; in laga fogaado in cunno la kala goosto ama cabitaan la wadaago iyo mobileka, si looga hortago waxyaabaha sababta u ah cudurrada bakteeriyda ee neefmareenka ku dhaca.”

Waxaa xusid mudan, in caabuqa sambabaha uu dilo malaayiin qof daafaha kala duwawn ee dunida, dadka yaryar iyo kuwa waaweyn intaba khatar ayay ku tahay, dadka habdhiska difaaca jirkiisa uu daciifka yahay, halka qiimeynnada la sameeyay ay sheegayaan in caabuqani uu mas’uul ka yahay dhimashada 1.3 milyan oo xaaladood oo caruurta da’doodu ka hoosayso 5-sano jirka ay sanad walba u geeriyoodan.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here