Guddoomiyaha Shirkada DP World Oo Sheegay In Waddada Isku Xidha Berbera Iyo Tog-Wajaale Ay Xudun U Noqota Ganacsiga Geeska Afrika

0
618

Guddoomiyaha Shirkada DP World Oo Sheegay In Waddada Isku Xidha Berbera Iyo Tog-Wajaale Ay Xudun U Noqota Ganacsiga Geeska Afrika

Guddoomiyaha shirkada DP World ayaa Wargeyska The Reporter ee ka soo baxa dalka Itoobiya u sheegay in ay socoto daraasad farsamo oo lagu hirgalinayo waddada isku xidha Berbera iyo Tog-wajaale,taasi oo noqon doonta mid xudun u noqota ganacsiga Geeska Afrika oo isku xidhi doona Yurub ilaa Bariga dhexe.

Guddoomiyaha Shirkada DP World Sultan Axmed bin Sulayem ayaa faahfaahiyey waxqabad muuqda oo ay ka samayn doonaan Dekedda Berbera, isagoo sheegay in laga hirgelinayo marsadda Berbera qaybaha dajinta iyo dhoofinta,waxaanu intaasi raaciyey inay Dekedda ka samaynayaan Aagga ganacsiga xorta ah, iyadoo laga faa’iidaysanayo khibradaha laga dhaxlay dekedda Jebel Ali iyo kuwa kale ee ay shirkaddu gacanta ku hayso kuwaasi oo ka saacidi doona inay Maraakiib badani ku soo hirtaan Dekedda Berbera iyo Aaga Ganacsiga xorta ah.

Siday ku warantay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA. Wasiirka Arrimaha DibaDda Dr. Sacad Cali Shir, ayaa WargeyskaThe Reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa, u xaqiijiyey in Xukuumadda Somaliland ay dhisayso waddo isku xidha Bebera ilaa Togwajaale,waddadan oo ay ku baxayso lacag ku dhow 90 milyan oo doolar lana rajeynayo inay qayb ahaan maal geliso Imaaraadka carabtu.