Taajirka ugu da’da yar qaarada Afrika oo la afduubtay

0
696

Taajirka ugu da’da yar qaarada Afrika oo la afduubtay

Maxamed Dewji oo la sheegay in uu yahay maalqabeenka ugu da’da yar qaarada Afrika ayay niman wajiga soo qarsaday ku afduubteen magalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania.

Sida ay Boolisku sheegeen Maxamed Dewji oo 43 jir ah ayaa laga afduubtay huteel uu ku jimicsanayay caasimada dalka Tanzania.

Saddex ruux oo arrintaas lala xiriiriyay ayaa la xiray, labada ruux ee afduubka sameeyayna waxaa la rumaysan yahay in ay ajaaniib yihiin, sida ay booliisku sheegeen.

Ma cadda ujeedada laga leeyahay afduubka Dewji. Jariidadda dadka ladan ka faaloota ee Forbes ayaa ku warrantay in hantida Dewji ay gaarayso1.5 bilyan oo doolarka Maraykanka ah.

Dewji oo dadka deegaanku ay u yaqaannaan Mo ayaa lagu ammaanaa ganacsiga heerka uu ka gaaray.

Inkastoo falalka afduubka ay hore ugaga dhici jireen dalka Tanzania gaar ahaan siyaasiyiinta iyo dadka dhaliila dowlada ayaa tan waxa ay noqonaysaa afduubkii ugu horeeyay ee lala beegsado qof ganacsato ah.

Ganacsatada ayaan marnaba dareemin dhibaato dhinaca ammaanka ah iyadoo badankood aysan lahayn wax ilaalo ah, waxayna afduubka Dewji ka dhigtey mid ay ganacsatadu ka naxaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here