Ciidamo Itoobiyaan ah oo gadood ka sameeyay magaalada Addis Ababa

0
567

Ciidamo Itoobiyaan ah oo gadood ka sameeyay magaalada Addis Ababa

Wararka ka imanaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in boqolaal ka tirsan ciidamada Milatariga ay bilaabeen gadood iyagoo ka cabanaya mushaar la’aan.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwo ka howlgalayay magaalada Burayu ee ku taal gobolka Oromiya kadib markii banaanbaxyo rabshado wata bishii hore.

Gelinkii dambe ee maanta ayaa la jaray qadadka internetka ee caasimada dalka itoobiya iyadoo muddo saddex saacadood kadib dib loo soo celiyay.

Hase yeeshee taleefishinka dalka Itoobiya ee  ETV ayaa baahiyay in ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu qaabilay ciiamada gadoodka sameeyay kadibna uu heshiis la gaaray.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay gaardis ku galeen xafiiska ra’iisul wasaaraha iyagoo dalbanayay in la siiyo mushaaraadkooda isla markaana dib uhabeyn lagu sameeyo dhismaha ciidamada milatariga Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here