Cabdullaahi Sheekh Xasan oo loo Magacaabay Afhayeenka Golaha Iskaashiga

0
819

Cabdullaahi Sheekh Xasan oo loo Magacaabay Afhayeenka Golaha Iskaashiga

War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Isgaashiga dowlad Goboleedyada dalka ka jira ayaa waxaa siyaasiga Cabdulaahi Sheekh Xasan oo ah Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed loogu magacaabay Afhayeenka Golohaasi.

Sidoo kale War-saxaafadeedan ayaa waxaa la Ogeysiiyay dhamaan madaxa maamul Goboleedyada sida Galmudug, Puntland,Koonfur Galbeed iyo Jubbaland halka aan lagu soo darin maamulka Hir-Shabeelle.

Siyaasiga Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaa waxa uu hadda yahay Wasiirka Dastuurka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,isagoo noqaya Afhayeenka cusub ee Golaha Isgaashiga dowlad Goboleedyada dalka.

Golaha Isgaashiga dowlad Goboleedyada dalka ka jira ayaa horey u laheyn waxa Afhayeen ah,isla markaana u hadli jiray xoghayaha Golahaas.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka Golaha Isgaashiga dowlad Goboleedyada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here