Booliis ka shaqeeya garoomo Diyaaradeed oo laga mamnuucay Qosolka !!

0
942

Booliis ka shaqeeya garoomo Diyaaradeed oo laga mamnuucay Qosolka !!

Ciidamada booliiska ka howlgala garoomada diyaaradaha dalka Hindiya ayaa laga mamnuucay in qosol iyo dareen farxadeed muujiyaan xiliga ay ka shaqeenayaan sugida amaanka.

Booliiska ayaa amar lagu siiyay in ay yareeyaan qosolka iyo waji furnaanta ay dadka u muujiyaan, waxaana la sheegay in farxada iyo qosolka booliiska ay keeni karto habac sanaan dhinaca amaanka ah.

Masuuliyiin katirsan Waaxda qaabilsan amaanka garoomada dalka Hindiya ayaa sheegay in ciidamada amaanka laga doonayo in feejignaan badan sameeyaan intii farxad iyo qosol muujin lahaayeen.

Waxa ay sheegeen Saraakiisha dhinaca amaanka garoomada dalka Hindiya in furfurnaanta badan iyo sheekeysiga ay garoomada diyaaradaha galinayaan khatar uga imaata weerarada argagixiso.

Rajesh Ranjan oo ah agaasimaha hay’adda amniga garoomada dalka Hindiya ayaa xusay in weerarkii ka dhacay dalka Mareykanka 11-kii bishii Siteembar ee sannadkii 2001- ay ka dhalatay dhoola cadeyn loo muujiyay rakaabka.

Ciidamada amaanka ee ka howlgala garoomada caalamka ayaa  qaarkood dadka rakaabka ah iyo kuwa yimaada garoomada u muujiya waji furnaan, waxa ayna mararka qaar u sameeyaan saacidaad dheeraad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here