Turkiga oo cadaadis ku saaraya Sacuudiga in la baaro qunsuliyaddiisa Istanbul

0
735

Turkiga oo cadaadis ku saaraya Sacuudiga in la baaro qunsuliyaddiisa Istanbul

Xafiiska Raisul wasaaraha Britain ayaa sheegay in si dagdag looga shaqayn doono sidii daaha loo rogi lahaa arrimaha la xiriira Saxafigii rugcadaaga ahaa uu Sucuudiga u dhashay.

Jamal Khashoggi ayaa la waayey kadib markii uu todobaadkii hore galay qunsuliyadda Sacuudigu uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee Turkiga. Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in Mr Khashoggi lagu dhex dilay Qunsuliyadda, maydkiisiina halkaas laga saaray. Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Sucuudigu uu caddeeye in saxafigaasi uu qunsuliyadda ka baxay asagoo nabad qaba.

Xaqiiqada ah in markii ugu dambeysay ee la arkay Jamal Khashoggi ay ahayd ku dhawaad isbuuc ka hor isagoo gudaha usii galaya qunsuliyada ku taala magaalada Istanbul sidookalena qofna u indaha saarin isago dhismaha ka baxaya ayaa ah arrinta ugu weyn ee walaac dhalinaysa oo ah in waxyeelo loogu geystay dhismaha dhexdiisa.

Saraakisha ammaanka gudaha uma geli karaan qunsuliyada boqortooyadda Sacuudiga iyagoo aan fasax heysanin sababtoo ah waxaa lagu tiriyaa inay kamid tahay dalka Sacuudiga oo ay ka madax banaantahay dalka ay ku taalo.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan waxaa u sare sii qaaday cadaadiska u saarayo dalka Sacuudiga si sharaxad ay uga bixiyaan waxaa lasoo gudboonaaday weriyahan caanka ah, shir jaraid oo u ka hadlayna waxaa u yiri.

qof dibedbaxaya oo haya sawirka Khashoggi qunsuliyada horteedaLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionqof dibedbaxaya oo haya sawirka Khashoggi qunsuliyada horteeda

Mr Khashoggi waxaa u mar aad ugu dhawaa qoyska boqortoyadda Sacuudiga balse xilliyadii ugu dambeeyay waxaa u magangelyo u raadsaday dalka Maraykanka halkaas oo u aad dhaleceeyn dusha uga tuuri jiray xukumadda dalkiisa.

Jamaal Khashoggi, oo sidoo kalena wax ku qora wargayska Washington Post, qunsuliyadda u tegey si uu “warqado u buuxbuuxiyo” ayuu warhaysku yiri, wixii markaas ka dambeeyeyna warkiisa lama maqlin.

xaaska Jamal Khashoggi, Hatice CengizLahaanshaha sawirkaAFP/GETTY IMAGES
Image captionxaaska Jamal Khashoggi, Hatice Cengiz

Xaaskiisa oo la socotay markii uu qunsuliyadda tagayey ayaan loo ogolaan in ay gudaha u gasho. Sida uu nidaamku yahay, Khashoggi waxaa laga qaaday telefoonkiisa gacanta – arrintaasoo qayb ka ah nidaam caadi ah oo la maro marka la galayo qunsuliyadaha iyo safaaradaha.

Saddex maalmood ka hor inta uusan booqanin qunsuliyada boqortooyada Sacuudiga ee Istanbul, weriye Jamal Khashoggi waxaa u tegay xaruunta dhexe ee BBC-da.

Ka hor inta uusan bixinin wareysiga uga qorsheysana BBC-da ee looga hadlayay hanaanka nabadda ee bariga daxe, waxaa u caddeeyay in uusan u maleynin in dib u ugu noqon doono dalkiisa hooyo ee Sacuudi Carabiya.

qunsuliyada Sacuudiga ee IstanbulLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionqunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul

Xukkumada Britain ayaa aad ugu walacsan halka u ku dambeyay Jamal Khashoggi.

Maraykanka ayaa sidoo kale walaacan la qaba dowladda Britain iyadoo labada dowladoodna ay arrinta weli mowqif cad ka qaadanin.

Haddii cadeymo dheerad la helo oo ah in Jamal Khashoggi la dilay, su’aasha meesha ku jirta ayaa ah Maraykanka iyo Britain ma cambareyn doonan falkan sidookalena talaabo culus ma ka qaadi karan boqortooyadda Sacuudiga oo ah saxiibkooda dhaw.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here